Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Dugsiyga Sare Iyo Dhexe Oo Dalka Si Rasmi Ah Uga Bilaabmay

0
816

land

Hagaysa (geeska)-Waxa shalay dalka si rasmiya uga bilaaabmay imtixaanka  shahaadiga ah ee fasalka 4-aad ee dugsiga sare iyo fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhaxe. Imtaxaankan shahaadiga ah waxa u fadhiistay 5000 (Shan kun) Arday oo Fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ah iyo 10650 (Kun iyo lix boqol iyo konton)  arday oo falsalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ah, waxaanu u  bilaabay imtaxaankan shahaadiga ah si habsamiya.

Wasiir ku xigeenka wax-barashada iyo tacliinta sare Cali Xaamud Jibriil ayaa kormeer ku soo maray goobaha ay ardaydu imtaxaanada ku galaysay ee magaalda Hargaysa, halkaas oo uu ugu jeediyay ardaydii imtaxaanka u fadhiisanaysay hadalo dardaaran iyo guubaabo ah.

Dhinaca kale wasiirka wax-barashada iyo tacliinta sare marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ardayda gobalka Awdal shalay kala qaybgashay bilawga imtixaanka shahaadiga ah, waxaanay kormeertay dugsiyada ay ardaydu imtaxaanka ku galayeen ee Boorama iyo degmooyinka ku xeeran.