Dawladda Somaliland Oo Dalka Djibouti U Dirtay Madaxda Ugu Saraysa Hay’adaha Ammaanka Ee Dalka Iyo Sababaha Safarkooda Lala Xidhiidhinayo

0
498

Picture8Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa wadanka Djibouti shalay u dirtay saraakiisha ugu sareeya hay’adaha ammaank qaranka Somaliland. Saraakiisha Somaliland ka tirsan ee u socdaashay Djibouti waxa hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, waxaana ka mid ah taliyaha ciidanka Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo taliyaha sirdoonka qaranka Jaamac Xasan Aaden. Si rasmi ah looma garanayo socdaalka masuuliyiinta madaxda ka ah hayadaha ammaanka Somaliland. Laakiin waxa la tilmaamayaa in socdaalkoodu salka ku hayo baadhista kiiska qaraxii bishii hore ka dhacay wadanka Djibouti, oo ay dawladda Djibouti sheegtay in dadka is qarxiyay ay ka gudbeen xadka Somaliland.

Labada dawladood ayaa iska kaashaday baadhista kiiskaas, waxaanay dawladda  Djibouti si rasmi ah hore ugu cadaysay labada qof ee is qarxiyay oo ahaa nin iyo gabadh magacyadoodu kala yihiin Muuse Rooble Hiraabe iyo Hodan Maxamed Ciise.

Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay hore dawladda Djibouti ugu gacan gelisay nin muwaadin ah oo laga qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo la sheegay inay baadhistu soo gashay. Qoyska ninkaas ayaa xukuumadda ku dhaliilay dhiibitaanka ninkaas.