Ilmaha Qalniinka Ku Dhashaa Waxa Uu Khatar U Yahay Buurni Ku Timaadda Marka Uu Koro

0
609

Washington (Geeska)- Cilmibaadhe sare oo ka tirsan jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in carruurta ku dhasha qalniinka hooyada ay u badan yihiin in ay noqdaan carruur buuran, marka la barbar dhigo carruurta sida dabiiciga ah u dhasha. Cilmibaadis Arbacadii ina dhaaftay lagu baahiyey Joornaal ay soo saarto jimciyadda caafimaadka carruurta ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ilmaha oo hooyadii lagu soo qalaa ay keeni karto dhibaatooyin caafimaad darro oo marka dambe ku soo baxa.

Cilmibaadhayaasha oo raadinayey in ay wax ka ogaadaan xidhiidhka ka dhexayn kara buurnimada iyo qalniinka ayaa baadhis ku sameeyey 22 kun oo carruur ah oo 5 kun oo ka mid ahi ay ku dhasheen qalniin, waxa aana u soo baxday in carruurta qalniinka lagaga soo saaray hooyadood ay ku badan tahay khatarta ah in boqolkiiba 15 ka mid ah uu miisaankoodu inta dabiiciga ah ka sarreeyo marka ay carruurta yihiin iyo xilliga ay kacaanka yihiinba. Halka laga ogaaday in carruurta sida dabiiciga ah u dhashaa ay boqolkiiba 31 ka badbaadaan miisaanka saayidka ah. Waxa aanay cilmibaadhayaashu sheegeen in arrintani ay xidhiidh la’ leedahay hadba xaddiga jeermis iyo bakteeriyada caloosha ee ilmaha ku dhaca xilliga dhalashada. Waxa ay sheegeen in carruurta sida dabiiciga ah ku dhalata ay la kulmaan jeermis iyo bakteeriya ku lammaan dhalashada dabiiciga ah, taas oo wax ka beddelaysa nidaamka calooshooda, ilmahana ka hor joogsanaysa in uu naaxo inta uu yar yahay iyo marka uu kacaamo labadaba.

Haayadda qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO ayaa sida ay ku sheegtay warbixin ay dhowaan soo saartay waxa ay aaminsan tahay in buurnimada carruurnimadu ay ka mid tahay khataraha caafimaad ee ugu waaweyn ee jira qarnigan 21naad, waxa aanay u dhowdahay in carruurtaasi marka ay weynaadaan uu ku dhaco cudur buurni ahi iyo sidoo kale in ay ku dhacaan cudurrada macaanka iyo wadne xanuunka oo ku so odegdega, suurtogalna ay tahay in da’ yari ay ku dhintaan.