Bangi Ayaa Uu Xaday Si Xabsi Loo Geeyo, Isaga Oo Doonaya In Uu Xaaskiisa Buuqeeda Muddo Ka Nasto

0
605

Washington (Geeska)- Dhukumantiyo laga helay maxkamadda gobalka Kansas ee dalka Maraykanka ayaa muujinaya in nin Maraykan ah oo isla gobalkan ka soo jeedaa uu toddobaadkii hore bangi xaday, isaga oo aan tuugo u jeed ahayn ee keliya doonaya in la xidho, si uu uga dheeraado xaaskiisa.

Joan Lawrence oo 70 jir ah ayaa uu booliisku ogaaday in jimcihii toddobaadkan muran adagi dhex maray isaga iyo xaaskiisa, kadibna uu guriga ka baxay isaga oo aad u cadhaysan oo ku tiraabaya ereyo ay ka mid yihiin, “In aan xabsiga galo ayaa aan ka jecelahay joogista gurigan” kadib waxa uu qoray warqad kooban oo uu ku sheegayo in uu sito qori, lacagna doonayo, kadibna waxa uu tegey mid ka mid ah bangiyada waaweyn ee magaalada Kansas waxa aanu u dhiibay masuulkii Lacag-bixinta ee bangiga, kaas oo sababtay in uu masuulkani baqo oo uu Joan Lawrence u dhiibo lacag dhan saddex kun oo doolar.

Arrinta yaabka ku noqotay masuulkii lacagta bixiyey ayaa ahayd in ninkan u hanjabay markii uu lacagtii qaatay aanu ka bixin gudaha bangiga, balse waxa uu fadhiistay kursi dhex yaallay, kadib mid ka mid ah ilaalada oo meel aan ka dheerayn joogay ayaa uu u sheegay in uu eedaysane yahay.

Isla markiiba ninkii booliiska ahaa ayaa qabtay Joan oo uu geeyey rug booliis, si dacwaddiisa loo diiwaangeliyo loona wareejiyo xeer-ilaalinta oo maxkamadda hor geyn doonta, lacagtii uu ninkani qaadayna waxaa dib loogu celiyey bangiga. Warkan waxaa lagu sheegay in Joan aanu sidiisa tuug ama budhcad u ahayn, balse ay ka tahay uun in xabsiga la geeyo si uu muddo uga agdheeraado xaaskiisa oo uu kaga cabanayo khilaaf joogto ah.