Ilayska Qorraxda Oo Jidhka Ku Yaraadaa Waxa Ay Sababi Karaan Kansarka Qanjidhka Prostate Ka Ee Ragga

0
767

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis Maraykan ah oo cusub ayaa daahfurtay in heerka Faytamiinka D oo ku yaraada ragga, sababtiisuna ay tahay xaddiga fallaadhaha ilayska qorraxda ee uu jidhku helayo oo yaraataa uu kor u qaado khatarta ah in uu ku dhaco kansarka noociisa ku dhaca qanjidhka dhalmada ee ragga.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda North Western ee dalka Maraykanka ayaa caddeeyey in ragga aan aad u arkin ilayska qorraxdu ay yihiin kuwa ugu badan ee uu ku dhaco hoos u dhaca Faytamiin D, sida la og yahayna yaraanta faytamiinkani ay keento cudurkan oo afka qalaad lagu yidhaahdo Prostate Cancer. Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo toddobaadkii ina dhaafay lagu faafiyey majaladda Cilmiba Kansarka ka faalloota ee Journal of Oncology ayaa ay cilmibaadhayaashu u sheegeen in ragga ka shaqeeya meelaha qorraxda ka xidhan, gaar ahaan xilliga qabowgu jiro ee Jiilaalka ay jodhkooda ku adag tahay in ay helaan Faytamiin D ku filan. Baadhis cilmiya oo ay hayeen intii u dhexeysay 2009kii illaa 2014kiina ay ku ogaadeen in ragga uu Faytamiin D jidhkoodu ku yar yahay ay yihiin kuwa ugu badan ee laga saaro qanjidhka dhalmada ee Prostate xanuun ku yimid oo in uu Kansar noqdo looga baqay awgii.

Ugu dambayntiina khubaradani waxa ya ragga kula talinayaan in haddii aanay qorrax ku filan helin ay qasab tahay in ay cunaan cuntooyinka laga helo Faytamiin D, waayo caado ahaan Faytamiin D waxa aynu ka helnaa qorraxda, cuntooyinka ay sida gaarka ah u xuseenna waxaa ka mid ah, kalluunka noocyadiisa dufanka leh sida Salmon, Tuna

Iyo Sardines, Saliidda Kalluunka, beerka lo’da, beedka iyo haddii ay ka fursan weydo dawooyinka kaba Faytamiin D.

Khubarada caafimaadku waxa ay hore marar kala duwan ka digeen in fallaadhaha qorraxda oo muddo badan jidhka si toos ah ugu dhacaa ya keento khataro caafimaad oo ay ka mid tahay xanuunnada maqaarka ku dhaca, sida kuwa midabka ka kaxeeya iyo Kansar noociisa dubka ku dhaca.