Huteelkii Ugu Horreeyey Adduunka Ee Dahab Lagu Dahaadhay Oo La Furay Iyo Dalka Uu Ku Yaallo

0
765

Dalka Fiyaatnaam waxaa laga furay huteelkii adduunka ugu horreeyey ee derbiyada dhismihiisa bannaanka iyo gudahaba lagaga dahaadhay dahab nooca 24 giraam loo yaqaanno ah.

Huteelkan oo lagu magacaabo Dulce Golden Hanoi oo ku yaalla xeelliga harada Jiang Fu ee magaalada Hanoi ee dalka Fiyaatnaam waxaa wajahaaddiisa hore lagu dahaadhay dahab run ah. Waxa kale oo dahabkan lagu dahaadhay derbiyada qaybaha kala duwan ee huteelka iyo sida oo kale qalabka dhex yaalla oo ay ka mid yihiin koobka lagu fadhiisto ee suuliyada, saxanka lagu maydho iyo saxannada fooldhaqa, fareenka muraayadaha ku dheggen derbiyada, handaraabbada iyo gacanta albaabada iyo barkadda dabbaasha.

Huteelka Dulce Golden Hanoi oo ka kooban 25 dabaq iyo 400 oo qol waxa uu dhismihiisu socday 11 sano, waxaana la filayaa in uu macaamiishiisa ugu badan heli doono marka dhowaan dalkaas ay dad aad u tiro badan u yimaaddaan ka qaybgalka iyo daawashada horyaalka tartanka baabuurta ee Formula One loo yaqaanno oo bisha sabtembar ee sannadkan 2020 uu martigelin doono dalka Fiyaatnaam.

Adduunyada kuma cusba huteellada ay qaybo yar oo dahab ahi dhismahooda ka mid yihiin, sida handaraabbada albaabada iyo waxyaabo derbiyada lagu qurxiyo, laakiin in wajahaadda hore oo dhan dahab laga dhigo ama derbiyada iyo qaybaha ugu badan ee dhismaha dahab lagu dahaadho ayaa ah arrin dareenka dadka si aad ah xiise ugu abuurtay. Gaar ahaan marka la eego dalka uu ku yaallo oo dhaqaale ahaan hooseeya, sidaas awgeed aan laga filanayn dhisme noocan ah.

Isla dalka Fiyaatnaam galbeedka magaalada caasimadda ah ee Hanoi waxaa ku yaalla taallada caalamiga ah ee Hoa Bình oo sallaanka lagu koro dusha sare lagaga dahaadhay dahab.