Aya Soofiya: Dhisme Nebi Muxamed Ka Horreeyey Oo Lahaanshiyaheeda Diimo Kala Duwani Isu Weydaarteen (7)

0
102

Nidaamka Dawladdeed ee Maxamed Alfaatix

Maxamed Al-Faatix waxa uu ka mid ahaa raggii ugu islaam ku dhaqanka fiicnaa madaxdii soo hoggaamisay dawladda Cusmaaniyiinta. Waxa uu aqoon fiican u lahaa shareecada Islaamka oo yaraantiisii uu aabihii ku dadaalay in uu culimo waxbarta u qabto, waxaana lagu tilmaamaa shakhsi akhlaaqada islaamka aad u ilaalin jiray.

Laakiin ma’ uu ahayn hoggaamiye dhinac keliya ku kooban, waxa uu ahaa nin caan ku ah fahamka iyo lafagurka istaraatijiyadaha siyaasadeed iyo difaac, aadna u fahmi og xaaladaha iyo duruufaha siyaasiga ah ee ku xeeran. Waana sababta uu xilligiisii dawladda cusmaaniyiinta ugu soo kordhiyey xadaarad aanay casriyadii aqoonin reer Yurub.

Maxamed Alfaatix muddadii uu hoggaaminayey dawladdii Islaamka ee Cusmaaniyiinta waxa uu ku guulaystay in uu furto dhul aad u ballaadhan, waxa aanay taariikhdu ka marag kacday in xilligiisii uu ahaa waqtigii uu ugu fidista badnaa dhulka dawladda Cusmaaniyiintu ka talisay. Waxa se xusid mudan in aanay siyaasaddiisa fidinta Islaamku ahayn mid seefta oo keliya ku dhisan, balse uu ahaa shakhsi lagu majeerto hoggaan xikmad badan iyo siyaasad hanuunsan. Waxa uu seeska u dhigay dawladnimo lagu tilmaamo in ay ka casrisanayd dawladihii ka horreeyey ee Cusmaaniyiinta gaar ahaan dhinaca nidaamka iyo shuruucda maamul. Isaga oo kaashanaya dadkii aqoonta iyo xikmadda lagu yaqaannay ee uu isku xeeray waxa uu dejiyey dastuur lagas oo dhiraandhirriyey Qur’aanka Kariimka ah iyo jidkii laga soo gaadhay Rasuulka Alle (SCW). Dastuurkaas uu dejiyey Suldaan Maxamed Alfaatix ayaa ahaa qanuunka ay dawladnimada islaamku ku dhisnayd muddo Afar boqol oo sano lagu qiyaaso oo ka dambaysay markii uu dejiyey.

Hawl fudud ma’ay ahayn in dhisibbada loo taago dawlnimo ku dhisan dastuur oo nidaam iyo kala danbayn qurux badan leh, iyada oo dhinaca kalana la wado dagaallada afka iyo addinkaba leh ee lagu fulinayey istaraatijiyadda fidinta dhulka Islaamka ee uu guulaha waaweyn ka gaadhay Maxamed Al-Faatix. Iyada oo ay sidaas tahay haddana waxa uu Suldaanku barbar waday ka qaybqaadashada fidinta diinta Islaamka. Waxa uu muddadaas uu xilka hayey dhisay in ka badan 300 oo masaajid, waxaa ka mid ahaa 192 masjid oo uu ka dhisay gudaha magaalada Istanbuul oo keliya. Waxa kale oo uu dhisay dugsiyo lagu barto diinta Islaamka.

Raadadka waaweyn ee illaa maanta lagu xusuusto dhismeyaasha diiniga ah ee Maxamed Alfaatix waxaa ka mid ah masaajidka caanka ah ee Suldaan Maxamed iyo masjidka saxaabigii rasuulka (SCW) Abu Ayuub Al-Ansaari oo aynu qisadiisa dib ka arki doonno. Waxa kale oo ka mid ah qasriga Saraaya Duub Qabwa.

Aaya Soofiya miyaa la dhacay?

Inta badan ee dadka qalda taariikhda Islaamka iyo warbaahinta reer galbeedka ee jecel in ay sawir fool xun ka bixiyaan muslimiintu waxa ay qadiyadda masjid ku soo celinta Aaya Soofiya u dhigeen in ay tahay tallaabo kaniisad hore masaajid lagaga dhigayo oo keliya. Arrintaas oo ay ku dagmeen dad badan oo muslimiin ah, kuwo ujeedooyin siyaasadeed iyo nacayb ay u qabaan hoggaanka hadda ee dalka Turkigu ku dagmeen ama ula badheedheen in ay shaki geliyaan saxnaanshiyaha tallaabadan. Waxaa ka mid ah kuwo su’aalo iska weydiiyey in kaniisad masaajid laga dhigi karo iyaga oo soo xujaysanaya xurmada uu Islaamku siiyey goobaha cibaadada ee dadka aan muslimiinta ahayn, oo ah arrin jirta.

Inta aan lagu mashquulin su’aalaha jawaabtoodu tahay in goobaha cibaado ee diimaha aan Islaamka ahayni ay xurmo mudan yihiin. Waxaa muhiim ah si loo fahmo in arrinta Aaya Soofiya xaaladdaas soo hoos gelayso in la fahmo taariikhda Aaya Soofiya iyo xaaladaha bilowgii masaajid ka dhigisteeda ku xeernaa.

Ugu horreyn waxa ay taariikhdu si cad u xusaysaa in dhismaha Aaya Soofiya iyo barxadda ku xeeraniba ay ahaayeen hanti gaar ah oo mulkiyaddeeda iyo maamulkeedaba ay lahayd dawladda cusmaaniyiintu. Macnuhu ma’aha in qabsashadii Suldaan Maxamed Al-Faatix ay tahay sababta aynu mulkiyaddeeda u siinay dawladdii Islaamka. Balse waa lahaanshiyo ku cad dhukumantiyo xaqiiqadooda la sugay oo illaa hadda ka mid ah kaydka laga hayo goobtan diimaha iyo dhaqannada badani sheegashadeeda tartanka ugu jiraan.

Suldaan Maxamed Alfaatix markii uu qabsaday Istanbuul muddo kaddib waxa uu xaruntan cibaado iyo barxaddeedaba lacag aan baqsid lahayn ka siistay wadaadadii Kiristaanka ee maamulkeeda lahaa iyo dadkii mulkiyaddeeda sheeganayey. Markaas kaddib ayaanu si rasmi ah masaajid uga dhigay, balse intii hore waxa ay ahayd kaniisad aan waxba laga beddelin oo ay keliya muslimiintu ku tukan jireen intii aan la dhisin masaajidda Istanbuul.