Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ku Taliyey In Somaliland Dhexdhexaad Ka Ahaato Xiisadda Webiga Niil Ee Itoobiya Iyo Masar

0
654

Hargeysa(Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xiisadda ku salaysan Webiga Niilka ee ka dhex taagan Waddamada Itoobiya iyo Masar,waxaanu ku taliyey in Somaliland aanay dhinacna noqon, balse ay isku daydo inay isku soo dhawayso labada dal.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay fadliga maalmahan iyo Acmaasha  looga baahan yahay inay la yimaaddan umadda Islaamka ahi, waxaanu ugu horeyn yidhi “Somaliland waxaa la gudboon inay dhexdhexaad ka ahaato xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Masar, weliba Somaliland waa inay isku soo jiida labada dhinaca, intii karankeeda ah, sababtoo ah dagaal dhex mara Itoobiya iyo Masar masllaxadi uguma jirto Somaliland, waxaan khasaare ahayn mooye, maxaa yeelay labada dalba waxaynu la leenahay xidhiidh ganacsi, waliba waxaa intaas dheer inaynu Itoobiya wadaagno xuduud aad u dheer, waana halkaynu dhabarka saarno marka ay dhibaato inala soo gudboonaato”.

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in  Cibaadada Allaah la ilaaliyo sunnaheeda iyo Faralkeedaba isla-markaana lagu dedaalo khayrka iyo fadliga ay maalmahani leeyihiin.