RUNTUN MA FANTA: ‘’Xal-Nabadgelyo ’’ Mise Xal-Siyaasadeed?

0
617

 

(Security Solution or Political Solution)

Qawaaniinta Xallinta Khilaafaadka Bulshada dhexdeed, deriskeeda amase tan shisheeyaha, intuba waxay u kala baxaan laba hab-raacaa  oo kala duwan, kuwaas oo la odhan karo way iska soo horjeedan ama waa isku liddi. Hab-raacyadan, mid ka mid ah waxa lagu dhex fuliya, xarumaha saldhiggyada Boliska, maxkamadaha iyo ugu dambaynta, marka inta hore shaqayn weydo lagu adeegsado ciidamada qalabka sida. Hab-raaca noocaas ah marka uu noqdo dhaqan dawladeedka kelia ee loo adeegsado xallinta khilaafaadka  waxaa  loo yaqaan ‘’Xal-Nabadgelyo’’ ama (Security Solution), qaabkaas oo ku salaysan shaqo-gelinta Boliiska, iyo Nabad-Suggidda.

‘’Xalkan-Nabadgelyo’’, waa mid sida taarrikhda lagu soo arkay keenaya xal degdeg ah oo lagaga hortagaayo qalalaase markaas taagan ama dhacaya, oo haddii aan xal siyaasadeed lagu darin keenaya dhibaatooyin dambe oo wax-yeeladooda aan muddo laga soo kaban karin. Maxaayeelay ma abbaaro sababaha khalaafka keenaya, balse waxaba dhacda inuu  dab ku sii shido khilaafkii jeray sidaas awgeedna xalkooda sii fogeeyo.

Xalkani ku salaysan ‘’sugida Amniga’’ oo keliya oo aan tixgelin sababaha khilaafkaadka iyo xallintooda oo lagu dhaqaaqo goorta loo baahan yahay ayaa ah mid uga sii darta xaaladda marka lagu fpgaado. Mmarka dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya ay cadho buuxdhaafto, ayaa baahida xal-raadintu taagan tahay oo hadday dib uga dhacdo waqtiga ku habboon aan  geeddi-socodka dhacdooyinka la saadaalin karin, mustaqbalkuna mugdi keli karaya. Marka khaalfaadka  siyaadeed loo maamulo qaab Nabad-gelyo keliya waxa lagu yaqaanaa Xaalad cakiran ama (Political Crisis) in ay jirto, sidaas darteed waxa laga digtoonaada in dalku galo xaalad noocaas oo kale ah.  Xal-siaasadeedka ku salaysan qorshe horumarineed oo leh ujeeddo fog oo ku aaddan hoggaaminta dhacdooyinka iyo ku hagidooda dhinaca nabad-waarta iyo dimoqoraadiyad hana-qaadda oo keliya aya looga badbaadi karaa qalalaase siyaasadeed oo aakhirka keena fashalka dawladnimada. Hase ahaatee, waxay taasi suura gal noqon karta marka labada dhinca ee is-haya ama midkood gaadhsiisanyihiin bisayl siyaasaddeed, xilkasnimo sare, waddaninimo dheeraada, iyo dulqaad mas’uuliyada iyo waayeelnimo ku dheehantay.

Haddii intaas oo calamadood oo is-huwan ama is-weheshada la waayo waxaa dhaca oo hore loogu soo arkay diiwaanka taariikhda Aadamaha dawlado badan oo fashilmay iyo Xadaarado badan oo rogmaday. Haddaba, waxaan madmadow iyo shaki toona ku jirin in sababahii keenay Fashalka dawladnimo iyo Xaddaradihii hore ee dumay ay ahaayeen fashal ka yimi siyaasiyiin ku fashilmay maaraynta iyo xallinta khilaafaadka dalkooda iyo sidoo kale xidhiidhka ay la leeyihiin deriskooda iyo kan adduunweynahaba. La Soco,Runtu Ma Fanta.

Adam Muse Jibril: adamjibril@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here