Hurdada Saacadaha Badan Ahi Waxa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Iyo Quruxda Qofka

0
654

Berlin (Geeska)- Majaladda Eily oo ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa dhowaan baahisay daraasad ay cilmibaadhayaal dalkaa u dhashay ku ogaadeen in hurdada qofka oo ka badata saacadaheeda sacda ahi ay keento caafimaad darro. Majaladdan oo ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa sheegtay in cilmibaadhis ay muddo xeeldheerayaal dalkaa u dhashay wadeen ay ku ogaadeen in hurdada ka badan xadka caadiga ahi aanay u fiicnayn caafimaadka oo tusaale ahaan ay keento khalkhal ku dhaca qaar ka mid ah waajibaadka iyo hawlaha dabiiciga ah ee xubnaha kala duwan ee jidhku qabtaan. Xeeldheerayaasha oo arrintan sii iftiiminaya ayaa si gaar ah u xusay meelaya ay hurdada badani dhibta gaarka ah gaadhsiiso, oo ay ka mid tahay dheecaanka Insulin ta oo ay yarayso, heerka duxda jidhku u baahan yahay (Kalastaroolka muhiimka ah) oo yaraada iyo dufanka aanu jidhku baahnayn oo bata, iyo sidoo kale hilib dheeraad ah oo qofka fuula.

Xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey waxa ay ku taliyeen in sida ugu habboon ee khataraha kor ku xusan looga hortegi karo, isla markaana qofku ku ilaashan karo quruxdiisa dabiiciga ah ee jidhka iyo muuqaalka wejigaba ay tahay isaga oo seexda saacadaha celcelis ahaan la isla ogol yahay in ay qofka hurdo ugu filan yihiin, kuwaas oo ah ugu badnaan Siddeed saac. Khubarada arrimahan u kuur galaana waxa ay sheegayaan in ay caafimaad ahaan xun tahay in qofku uu seexdo Lix saac wax ka yar.