Madaxweyne Siilaanyo Oo Muuse Biixi, Samaale Iyo Maxamed Biixi Ugu Baaqay Inaanay Meel Cidlo Ah Ku Xiiqin, Suldaan Wabarna U Diray Farriin Digniin Ah

0
520

Picture6Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horeysay ka hadley arrinta Suldaan Waber oo muddooyinkii danbe ku jirey duurka isla mar ahaantaana ku  dhawaaqay hadalo lid ku ah qaranimada Somaliland, waxaana uu sida oo kale uu ka hadley hirdanka siyaasadeed ee isna muddooyinkii danbe ka dhex alloosnaa Muuse Biixi, Cabdi-casiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis oo salka ku hayey cida murashax madaxweyne ka noqonaysa xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, madaxweyne Siilaanyo dabadii.

Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa arrimahan kaga hadley cajalad duuban oo madaxtooyadu warbaahinta u soo dirtay, waxaana  ugu horeyn uu si adag uga hadley arrinta Suldaan Waber oo ka mid ah madaxdhaqameedka ka soo jeeda gobalka Awdal, isaga oo ku tilmaamey in uu yahay nin qaran dumis ah, waxaana uu carabka ku dhuftey in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan. "Waa la yaab,Suldaan qori qaata,ee Suldaan samatalis ayaa lagu ogaa, Suldaan nabad baa lagu ogaa, dalka Somaliland waa dal nabdoon, oo dimuqraadi ah, dadkiisuna waxaa ay ku heshiiyeen codkooda in ay isbedal ay ku saleeyaan.qori lagama ogala, cid aan ahayn ciidmada amaanka, cid kasta oo ka talowda xuduuda qaranimadana waxay ku amran yihiin in ay gacan buuxda ku qabtaan, waana ay leeyihiin awood ku filan iyo sharciyad dhamays tiran.Waa wax kala gaar ah tabashada iyo qaran dumisnimadu kii wax tabanayaa ee sidii odeyaashii dhaqanka ee halkan iigu yimi waanu soo dhaweynaynaa waa u garaabaynaa waxii ay leedahayna waa marinaynaa, balse qofka sida Suldaan Waber qaran dumiska ah ee qoriga qaata waxaanu ka qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan"Ayuu yidhi Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa sida oo kale ka hadley loolanka siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka taagnaa xisbiga kulmiye, isagoo u quus gooyay ragga tartamaya, waxaana uu hoosta ka xariiqey in isagu uu yahay murashaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye uga qeyb gali doona doorashooyinka fooda inagu soo haya, waxaana uu carabka ku dhuftey in siyaasiyiinta uu loolanku ka dhaxeeya aanay isku xiijin wax aan lahayn isla mar ahaantaana aanay ku coloobin wax aan jirin, isaga oo ugu baaqay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadashaqeynta xisbigaasi.

"Xisbiga Kulmiye, waxaa muuqatay in ismaan dhaaf iyo hirdan ay kaadirka xisbiga Kulmiye maalmahan warbaahinta soo bandhigeysay damacooda siyaasadeed ee ku wajahan kursigan aan ku fadhiyo, Waxaan leeyahay kursigan aniga ayaa ku fadhiya oo xisbigu ii gartey , mustaqbalkana waan u sharaxanahay, saxna maaha in aad isku kay dulqabsataan, waxii iga danbeeya Illaahay ha ina gaadhsiiyo, xisbigu waa xisbi dumuqraadi ah, oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa waxaana ina sugaya xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal yeynaan cidlo ku xiiqin, oo aynaan isku qabsan, yeynaan wax aan joogin isku colaadsan, koley meel dad joogo qalooc iyo qardoofo laga waayi maayo, ee aan illaalino wada jirka iyo midnimada xisbiga dhexdiisa"Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.