Hooyo Dhashay 69 Carruur Ah Oo Noqotay, Gabadhii Ugu Dhalmada badnayd Inta Taariikhda Dunida Laga Ogyahay

0
681

Picture1Hargeysa (Geeska)- Sida caadiga ah dumarku waxa ay marar badan dhalaan carruur mataano laba-laba ah, marar aan aad u badnayna waxaa dhaca in mataanuhu noqdaa saddex carruur ah, sidoo kale waxaa jirar marar dhif ah oo ay tirada mataanaha ay hooyadu dhalaysaa noqoto afar illaa 8 carruur ah, waana mararka ay warbaahinta kala duwan ee dunidu ka dhigato war xiise leh oo siyaabo kala duwan ay u gudbiyaan. Dhanka kalana dalalka ugu taranta badan dunida inta badan hooyadu waxa ay dhashaa carruur tiradoodu ka yar tahay 20, iyada oo weliba marka ay hooyo keli ahi Taranto carruur ka badan toban ay inta badan noqoto arrin fiiro gaar ah leh oo ay dadku hadal haynteeda badiyaan. Si kastaba ha ahaato ee wargeyska Geeska Afrika waxa uu soo helay taariikh sugan oo ka waramaysa hooyadii inta illaa imika la og yahay taariikhda bani’aadamka ugu taranta badnayd; Afar jeer oo isku xiga ayaa ay dhashay markiiba mataano Afaran, tiradaasi waa 16 carruur ah oo afar jeer oo keliya dhashay, laakiin intaas kuma koobna, Toddoba jeer oo isku xiga ayaa ay hooyadani dhashay mataano saddex carruur ah, halkaasina waa 21 carruur ah oo todoba sid ku dhashay, marka tiradii hore loo geeyana waxa ay noqonysaa 37 carruur ah, weli sheekadu intaas kuma eka, Lix iyo toban jeer oo dambe oo ay uur qaadday ayaa ay markiiba dhashay mataano laba ah, tiradaasina waa 32 carruur ah.

Hooyadan mucjisada ah oo u dhalatay dalka Ruushku waxa ay noolayd qarnigii 18aad, waxa aanay noqotay inta la’ og yahay taariikhda aadamaha hooyadii ugu dhalmada badnayd. Tirada guud ee carruurta ay dhashayna waxa ay noqonaysaa 69 carruur ah. Warkan yaabka leh oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Yahoo oo iyaduna sii xiganaysay Diiwaanka lagu kaydiyo lambarrada iyo dhacdooyinka yaabka leh ee Guinness World Records ayaa intaas ku daray in hooyadani ay tahay xaaska koowaad ee uu qabay nin beeraley Ruusha ahaa oo la odhan jiray, Feodor Vasilyev.

Waa suurtogal in warkani uu dad badan ula dhadhamo in aanu maangal ahayn, laakiin waxaa warkan sii xoojinaya xogo diiwaan-gashan oo laga helay kaniisadda qaddiimiga ah ee Nikolsky oo ku taalla magaalada Mosko ee xarunta Ruushka, diiwaankaasi waxa uu muujinaya taariikhda iyo dhalashada mar kasta oo qoyskan oo kaniisadda ku xidhnaa ay carruuru u dhalanaysay, marka laga reebo hal mar oo la sheegay in ay ahaayeen mataano laba ah oo iyagu markiiba shafeecay. Sida ku cad waraaqo asal ah (Original) oo la helay, majaladda guunka ah ee Gentleman’s Magazine ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa iyaduna sannadkii1783kii qortay in Feodor Vassilyev oo ahaa beeraley 75 jir ku dhintay uu xaaskiisa koowaad 27 jeer oo ay uur qaadday ay u dhashay 69 carruur ah, halka xaas labaad oo uu qabayna ay 18 carruur ah dhashay 8 jeer oo ay uur qaadday, taas oo tirada guud ee carruurta beerwalahan ka dhigaysa 87 carruur ah.