Boqor Raabi Oo Mar Kale Ka Hadlay Arrinta Banka Qoolcaday

0
668

Picture1Hargaysa(Geeska)-Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madax Dhaqameedka Somaliland, ayaa ka digay in dad gaar ah la siiyo, ama kooto loogu xidho Banka Qool Caday, oo mudooyinkii ugu dambeeyey khilaaf ka dhex taagnaa, khilaafkaas oo u dhexeeyey Xukuumadda iyo dadka deegaankaas degan, iyada oo dadka qaar la xidhay.

Boqor Raabi oo Shalay Warbaahinta u waramaayey ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Khilaafkii ka taagnaa Banka Qool Caday waa laga wada hadlay arinkiisan waa la dhameeyey Mar danbena Laga Hadli Maayo,Dadka meesha daganaa iyo Shacabka Somaliland way ka war qabeen Xaalku hadba Siday ahayd,Sida warku nagu soo gaadhay waxa lasoo xidh-dhiya Dadkii Diidanaa in Banka Qool Caday Laga baabiiyo Seerayaasha ay Ooteen Dadku.

Marka ay Dadku Banka ku soo durkaan wax ay Cadaynaysaa khiyaamooyinka La wada ee lagu shaqaynayo,Nooma Kala duwan kuwii xidhayay iyo kuwan hada Xidhaya,Nimanka ka hadlay Banka ee doonayay in ay Beeniyaan waxaana ku jira Nin markasta ku jira oo aanan marna soo qaadin anaguba,markaas ka joog ayaanu leenahay hadii aad ka joogi waydana waxaanad jeclayn ayaad kala Kulmi”. Boqor Raabi oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi  “Dadka sidaas u dhibaataysan ee cashuurtooda waxba loogu qaban,in dhibaato loola tago raalin kama nihin,mana doonayno,Waliba Ragga banka looga taag waayay Waxaanu leenahay kawada hadli mayno ee hore ayaa looga wada hadlay,Ragga banka xidhaya ee la leeyahay banka ku durka waxaanu leenahay Yaanay Taasi idinka dhaadhicin ee dib u fadhiista

Waxaanu Diyaar u nahay inaanu soo dhawaynayno Cid kasta oo baabiinaysa seerayaasha,Anaga ayaa la hawl galayna anaga ayaa la soconayna,Adhigii way dabar go’een Meel ay daqaan ma haystaan markaas inta banaan iyo in kale oo lagu daraba cid gacan naga siinaysa diyaar ayaanu u nahay”.