Geeska Afrika oo xoggo ka helay kulan Nayroobi ku dhex maray Somaliland iyo Beesha Caalamka

0
449

12347812_1218895121460889_7491986868803674928_nHargeysa(Geeska)-Weftigii ka socday dawladda Somaliland ee isugu jiray guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed iyo saddexda wasiir ee khaarajiga Sacad Cali Shire, Caafimaadka Saleban Ciise Axmed iyo qorshaynta Cali Salaan Jirde ee safarka shaqo ku tagay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa Jimcihii soo gunaanaday kulamo ay la yeelanayeen wadamada beesha caalamka ee taageera Somaliland, kuwaas oo u bilaabmay Isniintii la soo dhaafay.

Ma jiro war rasmi ah oo kulamadaas ka soo baxay, laakiin Geeska Afrika sida ay ilo xogogaali u sheegeen waxa ay kulamadani ahaayeen kuwii ugu balaadhnaa ee dhex mara Somaliland iyo Beesha caalamka, waxaanay  wasiiradu shirarkaas la tageen warbixino kala duwan oo ku saabsan Somaliland, halka ay beesha caalamkuna wax ka weydiisay arrimo ay ka walaacsanyihiin oo kala duwan.

Bilowgii kulamada

Xogaha uu Geeska Afrika helay ayaa waxay sheegeen in Kulankii u horeeyay ay weftiga Somaliland la kulmeen dhawr safaaradood oo kala ah Denmark, Norway, Sweden iyo Finland iyadoo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Ingiriiska, waxa kale oo ay isla maalintaas arkeen ergayga ku xigeenka u ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee ku sugan Kenya kaas oo ku qaabilay xarunta guud ee Qaramada midoobay ku leedahay Kenya.

Waxa kale oo ay kulan la yeesheen safiirka wadanka Ireland, safaaradaha Jarmalka, Japan iyo Faransiiska. Waxa kale oo ay la kulmeen safaaradda Holland iyo kooxda lagu magacaabo UN Monitoring group. Safaaradda Ingiriiska iyo hay’adda u qaabilsan mucaawinooyinka ee DFID ayay iyaguna la yeesheen kulan balaadhan.

Sida ay xogahani tibaaxeen waxa ay masuuliyiinta Somaliland wadamadan uga warameen xaaladda wakhtigan ay Somaliland marayso, waxaanay culayska saarayeen in la kordhiyo deeqaha Somaliland, halka ay safaaradahani weftiga u sharaxayeen deeqaha ay Somaliland siiyaan iyo qorsheyaashooda mustaqbalka.

Waxa kale oo ay la kulmeen Baanka horumarinta Afrika iyo Baanka adduunka oo ay iyagana ka wada hadleen sida loo soo kordhin karo caawimooyinka Somaliland la siiyo.

Labadii kulan ee ugu xaasaasinaa

Sida ay tibaaxeen xogahan uu Geeska Afrika helay laba kulan oo adag ayay weftiga Somaliland la yeesheen beesha caalamka. Kulanka ugu muhiimsanaa ayaa ahaa kulan dhacay Jimcihii oo ay wada jir ula kulmeen 16 safaaradood oo kulan kula yeeshay xarunta Midowga Yurub ee Nairobi. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa weftiga dood adag kala yeeshay xaalado ay walaac ka qabaan oo Somaliland ka taagan. Arrimaha ay walaaca ka muujiyeen waxa ka mid ah degenaanshaha iyo nabadgelyada, dimuqraadiyadda, kobaca dhaqaalaha, ilaalinta madaxbanaanida saxaafadda, qabsoomida doorashooyinka iyo waxyaabo kale, kuwaas oo ay muujiyeen sida ay u jecelyihiin in wax looga qabto sida ugu wanaagsan ee ugu suurtogalsan, waxaanay tilmaameen in arrimahan oo aan wax laga qabanin ay dhaawici karaan xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.

Sida uu Geeska Afrika xogaha ku helay Weftiga Somaliland ayaa si wada jir ah uga jawaabay doodaha ay safaaraduhu u soo bandhigeen, waxaanay ka warameen xaaladda amni ee Somaliland oo ay sheegeen inay tahay mid fiican. Waxa kale oo ay sheegeen inay dawladda Somaliland ka go’antahay inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan iyagoo tilmaamay in xukuumadu bixisay qaybtii kaga soo hagaagtay dhaqaalaha lagu qabanayo diiwaangelinta, waxayna wadamadan reer galbeedka ah u soo jeediyeen inay dhinacooda soo daayaan dhaqaalaha laga sugayo ee lagu qabanayo diiwaangelinta.

Geesta kale, waxa ay weftigu safaaradahan wada socday uga warameen isbedeladii ku dhacay xukuumadda Somaliland, sida wasiiradii is casilay iyo wasiirada lagu buuxiyay jagooyinkii ay baneeyeen iyagoo tusaale u soo qaatay wasiirada arrimaha dibadda Sacad Cali Shire iyo qorshaynta Cali Salaan Jirde oo kulanka ku sugnaa.

Kulankii USA

Kulan kale oo xiiso lahaa waxay weftigu la yeesheen safaaradda Maraykanka ee Nayroobi. Kulankaas ayaa ahaa kulan ay weftiga Somaliland iyo safaarada Maraykankuna ku soo bandhigaan walaac uu dhinac walba ka qabo dhawr qodob. Weftiga Somaliland waxay Maraykanka ka dalbadeen inay ka fogaadaan wax kasta oo dareen xaasaasi ah ku abuuri kara shacabka Somaliland, iyagoo tusaale u soo qaatay hadalo uu dhawaanahan warbaahinta marinayay Cali Khaliif Galaydh oo uu ku sheegay in safaaradda Maraykanku bixinayso dhaqaalaha ku baxaya wax uu ugu yeedhay samaynta maamulka Khaatumo iyo Maakhir ee gobalada Sool iyo Sanaag, waxaanay masuuliyiinta Maraykanka ahi sheegeen inaanay waxba ka jirin hadalada Cali Khaliif islamarkaana aanay marna ka shaqaynayn wax dhibaato iyo dhaawac u gaysanaya nabadgelyada buuxda ee ka jirta Somaliland.

Waxa kale oo ay weftigu ka codsadeen Maraykanka inay kordhiyaan dhaqaalaha ay siiyaan Somaliland, waxaanay safaaradda Maraykanku weftiga uga warbixisay baaxadda dhaqaalaha USAID ay ku bixiso horumarka Somaliland.

Safaarada Maraykanka ayaa iyaguna muujiyay dhawr qodob oo ay walaac ka qabaan oo ka taagan Somaliland. Qodobka koowaad waxay ka dhigeen xidhitaanka Idaacadda VOA ee Hargeysa oo uu kulankani  ku beegmay maalintii hawada laga saaray, waxaanay masuuliyiinta Somaliland ka codsadeen in la joojiyo xadhiga deg dega ah ee lagula kacayo mawjada FM-ta ee VOA Hargeysa islamarkaana wixii tabasho ee jira si toos ah loogu soo gudbiyo si wax looga qabto.

Iyaga oo dhinaca kalana aad u bogaadiyey go’aanka ay maxkamadda sare ee Somaliland ka soo saartay xadhiga saxaafadda , iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dib u habaynta garsoorka ee uu wado Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo isaga qudhiisuna waftigan ka mid ahaa.

Waxa kale oo ay Maraykanku ku booriyeen masuuliyiinta Somaliland in la ilaaliyo xorriyada saxaafadda iyo ilaalinta xuquuqal insaanka, waxaanay balan qaadeen inay ka shaqaynayaan sidii xidhiidh toos ah loo yeelan lahaa islamarkaana loo kordhin lahaa dhaqaalaha Maraykanku siiyo Somaliland.

Gunaanad

Ugu dambayn waxa ay weftigan Somaliland ee kulamada la soo yeeshay beesha caalamku, la soo noqonayaan laba qodob. Qodobka koowaad ayaa ah inay wax badan soo fahamsiiyeen wadamada beesha caalamka, waxa kale oo ay la soo noqonayaan farriimo ay ka soo qaadeen wadamadaas oo ay tahay inay Somaliland wax ka qabato.