Hindhiso Ayaa Ka Soo Tuurtay Musbaar Muddo Soddon Sano Ah Sankiisa Ku Xannibnaa

0
853

Picture9Washington (Geeska)- Bracks Sanchez oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa cisbtiaal u tegey si uu uga cawdo xanuun dhinaca sanka kaga jiray muddo 30 sano ah, si kastaba ha ahaato ee marnaba ma’ uu filayn in uu hindhisi doono musbaar, laakiin waxa ay taasi dhabawday markii lagu sameeyey qaab casriya oo sawir magnet wata ah. Bracks Sanchez oo xaaladdiisan uga waramayey talefishan la yidhaahdo KK.tv ayaa yidhi, "Weligay isma aan odhan maaddo bir ah nooca ay doonto ha noqoto ee ayaa ku dhex jirta sankaaga"

Dhinaca kalana Bracks Sanchez isaga oo ka sheekaynaya qaabkii uu musbaarkaasi sankiisa uga soo dhacay ayaa waxa uu hadalkiisaa hore ku sii daray, "Markii aan ku dul jiifsaday qalabka sawirka magnet-ka ah, waxa aan dareemay xanuun badan oo sanka ah, gaar ahaan ishayda midig hoosteeda, isla markii uu sawirkii dhammaaday ee aan kor u soo kaay, ayaan hindhisay"

Sida uu talefishanka KK.tv ku waramay Bracks Sanchez waxa uu u hindhisay si xooggan, kadib waxa sankiisa ka soo booday musbaar dhererkiisu yahay 2 Sentimitir iyo badh (2.54cm). Cheryl Patterson oo ka mid ah masuuliyiinta cisbitaalka Old Colorado oo ka shaqaysa caafimaadka qoyska ayaa mar arrintan wax laga weydiiyey waxa ay tidhi, "Waa mucjiso caafimaad, waa arrin aan la rumaysan Karin, wax noocan oo kale ah hore umaanu arag" dhanka kale dhakhaatiir arrintan ka hadlay ayaa sheegay in musbaarkani uu ku xannibnaa sanka qaybtiisa gudaha ee ninkan, muddo 30 sano ah, waxa ay dhakhaatiirtani intaas ku dareen, in markii uu musbaarkani galay gudaha sanka muddo kadib uu ku samaysmay dahaadh hilib ah oo ku baxay, kaas oo ka dhigan wax aan la garan Karin oo ku guda jira sanka" Bracks Sanchez ayaa sheegay in xaaladdiisa caafimaad ka soo raynayso , isaga oo mar dambe ku noqon doona cisbitaalkan si loo hubiyo soo kabashadiisa caafimaad.