Maraykanka Oo Xalay Sheegay Inay Weerarkii Isniintii Ku Dileen Hoggaamiyihii Al-Shabaab Iyo Sida Ay Somaliya Iyo USA Uga Hadleen

0
561

Picture8Washington(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in weerar ay ciidamadeeda gaarka ahi Isniintii toddobaadkan ka gaysteen Koonfurta Somalya ay ku dileen hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

War ka soo baxay wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Axmed Cabdi Godane uu ku dhintay weerarkii ay dayuurad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay ay la beegsatay Isniintii la soo dhaafay meel waqooyiga kaga beegan magaalada Barawe ee Gobolka Shabeelaha  Hoose ee Somaliya.

Warkan ayaa lagu sheegay in dhimashada Axmed Godane ay guul taariikhi ah u tahay dagaalka lagula jiro al-shabab iyo argagixisada geeska Afrika ee xidhiidhka la leh Al-qaacida, . iyo in arintan ay sidoo kale guul u tahay sanado badan oo sir doonka Mareykanka ay ku daba jireen hogaamiyeyaasha argagixisada gobolka,  waxaa sidoo kale ka hadlay madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlay magaalada London ee carriga Ingiriiska oo uu kaga qayb-galeyey shir ay NATO ku lahayd.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa intaasi ku dartay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso  dowladda Somalia iyo ciidamada kaabaya ee Midowga Afrika, dagaalka ay kula jiraan Al-shabab.

Madaxweyne Obama

Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama, oo dalka Ingiriiska kaga qayb galay shir laba maalmood ah oo ay gaashaanbuurta NATO yeesheen, ayaa wuxuu xalay ku dhawaaqay dilka Axmed Cabdi Godane. “Waxaanu doonaynaa inaan gaadhno yoolkayaga, waxaan rabnaa inaan hoos u dhigno ugu dambayna aan u jebino Daacish sidii aanu u jebinay Al-Qaaciida iyo kuwa Al-Qaaciidada ku xidhan ee Somaliya oo aanu maanta [shalay] soo saarnay inaanu dilnay hoggamiyihii Al-Shabaab ee Somaliya. Si joogto ah waxaanu uga shaqayn doonaan inaan hoos u dhigno hawlgaladooda.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka.

Maraykanka ayaa hore madaxa Axmed dul dhigay abaalmarin gaadheysa $7 Milyan oo dollar qofkii soo sheega goobta uu joogo ama ka qeyb qaata soo qabashadiisa.

Dawladda Somaliya

Dawladda Somaliya ayaa soo dhawaysay dilka hoggaamiyaha Al-Shabaab, waxaanu warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay dawladda Somaliya u digayso cid kasta oo isku dayday inay qabato hoggaaminta Al-Shabaab. “Ka dib iskaashi buuxa oo dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka toddobaadkan gudihiisa waxay ciidammada Mareykanku weerar ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo uu la socday Hoggaamiyaha kooxda arga-gixisada ah ee al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo rag isaga la shaqeeya.

Waxaan xaqiijinnaynaa in markii weerarku dhacay dadkii kolonyadaas la socday aan qofna ka badbaadin.” Sidaas ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ay dawladda Somaliya soo saartay.

Tafaasiil

Maraykanku ma bixinin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan dilka Axmed Cabdi Godane, mana uu kala cadayn Maraykanku inuu hoggaamiyihii Al-Shabaab goobta ku dhintay, inuu dhaawac dhintay iyo in kale. Waxaana la filayaa in Maraykanku faahfaahino dheeraad ah bixiyo maalmahan.

Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaan laga haynin wax war ah, mana jiro warsaxaafadeed amaba warar kale oo ay warbaahinta siiyeen oo ay kaga hadleen in hoggaamiyahoodu ku dhintay weerarkaas iyo in kale. Waxaanu weerarkani ku soo beegmayaa iyadoo ay AMISOM iyo ciidamada dawladda Somaliya ay Al-Shabaab ku hayaan dagaalo is daba joog ah oo ay kaga qabsadeen dhawr magaalo oo muhiim u ahaa.

Gunaanad

Axmed Cabdi Godane, oo hoggaaminta Al-Shabaab la wareegay sannadkii 2008, ayaa waxay dadka arrimaha gobalka ka faaloodaa aaminsanyihiin in dilkiisu uu dhaawac weyn u gaysan doono kooxda Al-Shabaab. Waxase jire fikir kaas ka soo horjeeda oo aaminsan in dhimashada hoggaamiyahani aanay marnaba noqon karin dhammaadka Al-Shabaab, sida horeba looga bartay kooxo kale oo hoggaamiyeyaashooda la khaarajiyey laakiin dagaalladii iyo hawlgalladii ay wadeen ay sidoodii isaga sii socdeen.