Hillary Clinton Oo Lagu Wado In Ay Berri Caddayso Murashanimadeeda Doorashooyinka 2016 ka

0
539

Picture2Washington (Geeska)- Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa la filayaai n maalinta berri ah ay dabarka ka furi doonto ol’olaheeda murashaxnimada madaxweynaha ee sannadka 2016ka.

Wargeyska Washington Post ayaa cadadkiisii soo baxay jimcihii shalay waxa uu ku sheegay in xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hilary Clinton oo hadda da’deedu 67 jir tahay, ay u dhowdahay in Axadda Berri ah ay ku dhawaaqdo murashaxnimadeeda xisbiga dhexdiisa.  Iyada oo la filayo in Hilary Clinton ay ol’olaheeda kaga dhawaaqi doontaa bogagga ay ku leedahay barkulannada bulshada ee Internet ka iyo muuqaal fiidyow ah oo ay ka hadli doonto.

Sida lagu wado, dhawaaqa kadib, Hilary Clinton waxa ay bilaabi doontaa socdaal ol’ole ah oo ay ku tagto gobollada waqtiga doorashada ka hor codkooda sii dhiibanaya oo ay ka mid yihiin Iowa iyo New Hampshire.

Hilary Clinton waxa ay doonaysaa in 8 sano kadib, ay markii labaad u tartanto jagada madaxweynenimo ee dalka Maraykanka, balse marka hore, waxa ay ka bilaabaysaa in ay ka soo dhex tartanto xisbigeeda si ay murashnimada ugu hesho fasax, dadka ka agdhowina waxa ay sheegayaan in markan ay wax weyn ka beddeli doonto habkii ol’ole ee ay martay sannadkii 2008da markii ay murashaxnimada xisbiga kula tartamaysay madaxweynaha hadda ee Barak Obama.

Hilary Clinton oo rayi-ururinaha la sameeyey ay muujinayaan in ay tahay murashaxa ugu rajada badan, ayaa la filayaa in markan ol’olaheeda xisbiga dhexdiisu uu noqdo mid aan sidii hore u dhacday ka badbadin badani ku jirin.

Dhinaca kalana, Odaygeeda hore madaxweynaha la jecel yahay uga noqday Maraykanka Bill Clinton ayaa isna wargeyska Town and Country u sheegay in ay muhiim tahay in ay Hilary ol’olaheeda u gasho sida ruux aan hadda ka hor waxba isu soo sharraxin, iyo in ay codbixiyeyaasha si toos ah ula xidhiidho. Bill Clinton waxa uu waraysigan ku sheegay in uu afadiisa u noqon doono la-taliye daaha dabadiisa ku jira. Hilary Clinton waxaa hadda haysta culaysyo siyaasi ah oo u baahan in ay furdaamiso, waxaana ka mid ah, su’aalaha illaa hadda ka taagan sababta intii ay wasiirka arrimaha dibadda ahayd, ay e-mail keeda gaarka ah ugu isticmaali jirtay xidhiidhada iyo arrimaha kale shaqada iyada oo og in xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka loogu talogalay in uu isticmaalo e-mail dawladdu leedahay, sidoo kale xisbiga Jamhuuriga ayaa Hilary Clinton ku eedaynaya in hadyado shisheeshe uga faa’idaysay mu’asasadda Clinton. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jirta rajo aad u xoog badan oo laga qabo in Clinton oo si aad ah isu diyaarisay ay doorkan ka gudbi doonto guul darradii ku dhacday sannadkii 2008da noqonna doonto murashaxa xisbigeeda ee ay tartami dooonaan murashaa xisbiga jamhuuriga ka soo baxa.