Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Badda Dalka Masar Iyo Magacyada Shan Ka Mid Ahaa Oo Dhaawac Ah

0
539

Picture1Qaahira (Geeska)- Cisbitaalka guud ee magaalada Baldiim ee dalka Masar ayaa subaxnimadii jimce ee shalay la keenay shan qof oo dhaawac ah iyo laba mayd ah, oo ka mid ahaa tahriibayaal ku sii jeeday qaaradda Yurub oo doontii ay saarnaayeen kula geddoontay badda dalka Masar,  oo ah halka ay tahriibkooda ka bilaabeen.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaya in dooni ay saarnaayeen tahriibayaal tiradoodu ka badan tahay Laba boqol oo u badan Soomaali. Laakiin ay ku jiraan jinsiyado kale oo Carbeed ay ku qaraqantay xeebaha gobolka Kafr Sheekh ee dalka Masar.

Ciidamada ilaalada xuduudka ee magaalada Burj Al-Burlis ee dalka Masar ayaa ku guulaystay in ay badda ka soo saaraan laba tahriibe oo maydka ah iyo shan dhaawac ah oo dhammaantood Soomaali ah, sidoo kale waxa ay gacanta ku soo dhigeen Laba boqol oo qof oo ka mid ahaa tahriibayaashii kale ee markabka saarnaa oo iyaga loo dhiibay booliiska.

Tahriibayaasha Soomaalida ah ee ku dhaawacmay doontan ayaa shabakadda wararka ee Al-Carabiya ay magacyadooda iyo dhaawacyadooda ku sheegtay sidan:

1. Ifraax Cabdi Maxamed oo da’deedu 40 sano tahay, waxaa si aad ah ugu kacsan dhiigga iyo macaanka, waxaana weli dhaawaceeda lagu daweynayaa cisbitaalka.

2. Xaliimo Xasan Maxamed oo 25 jir ah, waxaa loo malaynayo in ay ka jaban tahay dhudhunka lugta midig.

3. Mustafe Cabdi Maxamed oo da’diisu 17 sano jir tahay, waxa uu qabay dhaawacyo fudud iyo burbur jidhka ah, waxaana isaga markiiba gurmadka caafimaadka ee degdegga ah lagu siiyey xarunta ciidamadii qabtay, sidaa awgeed dhakhtar uma uu baahan. 4. Axmed Cabdillaahi Maxamed Waa 16 jir, isaguna waxa uu qabay nabarro yaryar iyo burbur, sida Mustafe ayaana lagu caawiyey isla xerada ciidanka, sidaa awgeed cisbitaal uma uu baahan.

5. Maxamed Jaamac Maxamed oo 23 jir ah, isna burbur iyo dhaawac fudud ayaa uu qabay, sida labadaa qof ee hore ayaana gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu sameeyey gudaha taliska ciidanka ilaalada xuduudka ee soo badbaadiyey.

Warkan markii ay shabakadda Al-Carabiya baahisay oo ahaa galabnimadii hore ee shalay waxa ay sheegtay in weli ay socdeen hawlaha gurmadka ee lagu baadhayey bal in ay jiraan dad kale oo markabkan la socday oo qarqoomay, dhinaca kalana Al-Carabiya ma’ay baahin magacyada labada ruux ee geeriyooday oo iyaguna Soomaali ah.