Salaad Cali Jeele Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Fashilmeen Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
531

Picture3Hargeysa (Geeska)-Salaad Cali jeele, oo ah Siyaasi u dhashay dalka Somaliya, xilalna ka soo qabtay dawladda Somaliya , ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu tilmaamay in sababta ay wada hadalaasi u fashileem ay tahay in loo dhiibay, labada dhinacba dad aan waxba ka garaynin wixii dhacay iyo Taariikhada Somaliland iyo Somaliya.

Salaad Cali Jeele ayaa isaga oo khadka Telefoonka ugu waramaya Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale qiray horumarka Somaliland ay ku talaabsatay iyo xasuuqii ku dhacay, waxaanu tilmaamay in Xasuuqu meel walba ka dhacay, balse ay Somaliland ugu badnayd, waxaanu sidoo kale tilmaamay in haddii ay Somaliland doonayso inay madax ka noqoto Somaliya cid u diidaysa in aanay jirin, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay  “Somaliland gooni ayey isku taagtay, inkasta oo aan la ictiraafin oo ilaa hadda aanay ku guulaysanin, iyada oo hadda wada hadleen Somaliland iyo Somaliya, laakiin marka ay wada hadlayaan ee ay ka wada hadlayaan taariikh iyo waxyaabihii la isku qoonsaday iyo waxyaabihii wanaagsanaa ee dhexmaray waxa wanaagsan inay wada hadlaan dad waaya-arag ah oo taariikhda iyo sida ay wax u dhaceen haya, balse dadka hadda wada hadlaya waa dad dhalinyaro ah oo burburkii dhacay iyo waxyaabihii la isku qoonsaday aan tixraac ka haysan, wax badana ka ogeyn, waana dad siyaasada ku cusub oo aan wax badan ogeyn dadka meesha iskugu tagaya, ee wada hadlaya, haddii la kala tagayo iyo haddii la heshiinayo dadka wada hadlayaa waa dadkaas, waxa se shardi ahaan lahaa dad waxaas ka midho dhalin karaa inay wada hadlaan, kana go’aan gaadhi kara, muhiim maaha hebel ha fadhiisto, laakiin muhiimadu waa in qofka aad la fadhiisato waxa aad doonayso ku qanciso, ergay haddii aad tahayna in waxa aad doonayso inaad ka midho dhaliso ayey tahay laakiin maaha inay is jiid-jiidad ku dhammaadan”.

Salaad Cali Jeele mar uu ka hadlaayey horumarka Somaliland ay ku talaabsatay ayaa yidhi “Inay Somaliland horumar ku talaabsatay cid inkarsani `ma jirto, inay Nabadi ka jirto waa la og yahay, inay Doorashooyin ka dhaceen waa la og yahay, waxayna rabaan in la aqoonsado, oo Somaliya ka go’aan taasina waxa ay u baahan tahay in dadkii Somaliyeed ee ay waxa ka dhexeeyeen inay ku qanciyaan gooni istaagooda, ama iyaga ayaa awalba keenay midnimada ee inay halkaas ka sii wadaan midnimadii, waxa la isku hayaana anigu xaq ayaan u leeyahay in aan goosto iyo adigu keligaa inaad goosatid xaq uma lihid”. Salaad Cali Jeel ayaa mar uu ka hadlaayey xasuuqii ayaa yidhi “Xasuuqu meel walba uu ka dhacay inkasta oo uu Somaliland ugu darnaa, kaligii taliye madax ahaa ayaana hawsha fulinaayey.

Madaxtinimadii Somaliya waa dhex, Somaliland inay madax ka noqoto Somaliya ma cid diidaysa ma jirto, dadka Somaliland ku abtirsada inay Somaliweyn madax u noqdaan cid diidaysa ma jirto”.