Hilibka Xoolaha Cunistiisa Oo La Badsadaa Indho Beel Ayaa Uu Keenaa, Hilibka Digaagguna Aragguu Xoojiyaa

0
699

London (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay jaamacadda Melbourne ee dalka Australia ayaa shaaca ka qaaday in daraasad ay sameeyeen ay daahfurtay in cunista badan ee hilibka xooluhu ay qofka ku keento indho-darrayn ama indho la’aan dhamaystiran. Daraasaddan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay joornaalka The Guardian oo qudhiisuna ka soo xigtay majaladda American Journal of Epidemiology ayaa ay cilmibaadhayaashu ku ogaadeen in dadka hilibka xoolaha isticmaala toban jeer toddobaadkii ay boqolkiiba 50 u dhow yihiin in araggoodu daciifo ama wada dhinto iyo in ay ka soo if baxaan astaamaha gabowga, ama haddii aynu si kale u dhigno in uu cimri degdego. Xaaladdan oo qofka lagu arko muddo sannado ah marka uu hilibka isticmaalo kadib, in kasta oo ay khubaradu sheegeen in dadka qaar ay dhowr bilood oo keliya ku qaadatay in cunista hilibku dhaawacdo araggooda.

Cilmibadhayaashani waxa ay baadhis iyo tijaabo muddo 13 sano ah socotay ku sameeyeen dad tiradoodu tahay 5’600 oo qof oo isugu jira rag iyo dumar da’doodu ku jirto 50naadka iyo 60maadka, iyaga oo si gaar ah u eegayey cuntooyinka ay aadka u cunaan, waxaana soo baxday natiijada ah in dadka celcelis ahaan toddobaadkii 10 jeer cuna hilibka xoolaha, sida rooska, suqaarka, iyo nooc kasta oo loo sameeyaba, in boqolkiiba 50 ku dhacay indho beel ama araggu daciifay, isla markaana ay ka soo baxeen calaamadaha gabowgu, taas oo ay aad ugaga duwanaadeen dadka hilibka cuna in ka yar 5 jeer toddobaadkii. Halka dadka toddobaadkii hilibka digaaga cuna 3 illaa 4 jeer ay boqolkiiba 57 ka fog yihiin khataraha keena arag darrada.