Hees Xamaas Ay Samaysay Oo Afka Hebrew Ah Ayaa Noqotay Waxa Ay Yuhuuddu Ugu Dhegeysi Badan Yihiin

0
497

Tel Aviv (Geeska)- Dad tiradoodu ka badan tahay Nus Milyan ayaa maalintii koowaad oo keliya daawaday hees cusub oo ururka Xamaas uu afka Hebrew ee Yuhuuddu ku hadashay ku sameeyey. Heestan oo magaceedu Afsoomaali ku noqonayo, “Waxa aanu nahay ciidankii Alle” ayaa lagu baahiyey inta badan ee shabakadaha wararka ee internet ka ee ay Yuhuuddu leedahay, waxa aanay ka mid noqotay waxyaabaha dadka Israa’iil ugu daawasho badan yihiin.

Sidoo kale waxaa hesstan sii daayey inta badan ee warbaahinta kala duwan ee Israa’iil, waxaa kam id ah wargeysyada iyo talefishannada ugu caansan uguna waaweyn Israa’iil iyo sidoo kale degellada Internet ka.

In kasta oo maamulka shabakadda YouTube ay degelka Xamaas uga furan ka masaxeen heestan, laakiin maadaama oo Xamaas ay raad weyn ku leedahay ammaanka Israa’iil, colaadaha Falastiiniyiinta iyo Yuhuuddana door weyn ay ka ciyaarto waxaa heesteedan raadsaday oo daawaday Yuhuud aad u badan oo ugu yaraan raadinaya in ay afkooda ku fahmaan aaminsanaanta iyo damaca ururkan ay is hayaan, gaar ahaan xilligan ay heestu ku soo beegantay oo kacdoonno iyo iska hor-imaadyo joogto ahi Falastiiniyiinta iyo ciidamada Yuhuudda ku dhex maraan masjidka barakaysan ee Al-Aqsa.