Suldaan Wabar Oo Amarka Ay Itoobiya Dalkeeda Kaga Soo Saartay Ku Tilmaamay Mid Khaldan

0
560

Picture8Hargeysa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa Suldaanka jabhadaynta bilaabay ee Suldaan Wabar ku amartay inuu dalkeeda ka baxo oo uu tago xuduudka Somaliland ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Suldaan Wabar laftiisa ayaa warkan xaqiijiyay, waxaanu sheegay inuu ka badbaaday in dawladda Itoobiya xabsiga dhigto, waxaanu talaabada ay Itoobiya ka qaaday ku tilmaamay shirqool fool xun, “Waxaan idiinku bushaaraynayaa shirqool fool xun oo loogu taloo galay in shalay lanagu waxyeeleeyo waanu ka badbaadnay, shirqooladuna meeshii nolol, ama siyaasad ama tallo la isku hayaa ka jirto ayay ka dhacaan in laga badbaado oo laga digtoonaado ayaa muhiim ah. waanu ka badbaadnay ee sidaas ogaada.” ayuu yidhi Suldaan Wabar oo muuqaal iska soo duubay, isagoo ku sugan xuduudka Somaliland.

Isagoo hadalkiisa sii watay kana hadlaya bixitaankiisa Itoobiya, wuxuu yidhi “Itoobiya waxa yaala dadkayga ugu badan ee I doortay waanan joogi karaa cidda igu qabsan karta inaan ka tagaana waa cid gardaran, amar khaldan oo dawlad weynta Itoobiya aan ka soo fulin ayaa shalay qaybo ka soo fuleen.” Wuxuu sheegay inay kooxdiisu qaadatay amarka ay Itoobiya dalkeeda kaga soo saartay, Waanu qaadanay amarkii xuduudana waanu dhaafnay oo qaybta kale ee layga doortayna waan tagay, maalintaan doonanan waan ku noqon karaa Itoobiya, sidaas awgeed nimankii moodayay inaan ka maqnaan karo itoobiya ama layga kaxayn karo way arki doonaan anoo jooga.”

Dawladda Itoobiya ayaa waxa kale oo la sheegay inay xabsiga dhigtay qaar ka mid ah maleeshiyaadka Suldaan Wabar oo ku sugnaa magaalada Aw Barre ee wadanka Itoobiya.