Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Khudbad Ka Jeediyay Baarlamaanka Midowga Yurub

0
602

A MAXAMED BIIXI YOONIS BLUEHargeysa(Geeska)-Wefti ka socda Somaliland ayaa shalay la kulmay guddiga arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, kulankaas oo ka dhacay magaalada Brussels ee wadanka Beljam.

Kulanka ayaa waxa hadal ka jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo ka hadlay taariikhda Somaliland. Wuxuu Wasiir Biixi sheegay in Somaliland ay xorriyadii ay ka qaadatay Ingiriiska ay si fudud u lumisay, lana Midowday Somaliya. Balse ay midnimadaasi dhashay dhibaato iyo xasuuq ay shacabka Somaliland kala kulmeen Somaliyadii ay la midowday.

Haseyeeshe halgan qadhaadh oo uu ururkii SNM galay ka dib waxa la soo celiyay xorriyadii Somalialnd oo si rasmi ah loogu dhawaaqay sannadkii 1991, “Waxaanay go’aansadeen.” Ayuu yidhi wasiirku, “Shacabka Somalialnd inay ilaashadaan madaxbanaanidooda.”

Wasiir Biixi Yoonis, wuxuu ka waramay doorashooyinkii kala duwanaa ee ay Somaliland qabatay, isagoo tusaale fiican u soo qaatay sidii ay Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne Siilaanyo xilka isugu wareejiyeen, ka dib doorashadii uu Siilaanyo ku guulaystay ee sannadkii 2010.

Wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland midowga Yurub u soo jeediyay inay taageeraan sidii ay Somalialnd iyo Somaliya u kala noqon lahaayeen laba wadan oo walaalo ah. “Waxa la gaadhay wakhtigii la qiri lahaa in Midowgii Somalialnd iyo Somaiya uu dhammaaday 1991. Waxaan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay qaataan go’aamo cad cad oo ay aqoonsadaan Somaliland.”

Waxa kale oo uu ka h adlay wada hadalada Somalialnd iyo Somaliya u socda oo uu sheegay in ay Somaliland uga jeedo sidii ay u xaqiijin lahayd madaxbanaanideeda.

Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Marwo Edna Aden ayaa iyaguna halkaas hadalo ka jeediyay, waxaanay sharaxeen sida ay Somaliland wadankeeda dib ugu dhistay wixii ka dambeeyay sannadkii 1991. Waxa kale oo isna shirka goob joog ka ahaa ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ah mulkiilaha hoteelka Maansoor.