Hay’adda AET Oo Soo Gebo-Gabaysay Kulan Lagu Lafo Guraayey Xog Ururin Ku Saabsan Man-Hajka Waxbarashada

0
570

Picture2Hargeysa(Geeska):-Hay’adda AET, ayaa soo gebo-gabaysay kulan hal maalin ah oo lagu lafo guraayey xog ururin laga soo sameeyey in ka badan Sadex Kun oo qof isla mar ahaantaana ku nool dalka, sida oo kalena lagu dabaqaayo Man-hajka cusub ee warbarashada Somaliland, ayaa lagu qabtay hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen dhalinyaro ka kala socotay gobalada dalka oo ka koobnaa 70 dhalinyaro ah oo isagu jira inamo iyo hablo, agaasime ku xigeenka waaxda Man-hajyada iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday hay’adda AET.

Xog ururintan oo ay maal-galisay hay’adda UNHCR oo kaashaynaysa hay’adda AET sida oo kalena ay gacan ka gaysanayso wasaarada Waxbarashada Somaliland, ayaa waxaa xog ururintan loo gudbin doona xafiiska Manaahijta ee Somaliland si ay ugala baxaan xogo badan.

Madaxa mashruucan isla-markaana ahaa daadihiyaha aqoon-isweydaarsigan Md.Axmed Cabdilaahi Maxamed, ayaa marka hore waxaa uu faah faahin ka bixiyey mashruucan xog ururinta ah.

 “Waxaanu maanta halkan ku soo gebo-gabeynaynaa kulan hawleed noo socday  illaa iyo saaka(Shalay), kaas oo ahaa Hal maalin, waxaana lagu lafo guraayay warbixin ka soo baxday talo wadaagii heer qaran ee aanu dhammaan ka samaynay gobolada dalka oo dhan, kaas oo ay ka qeyb-qaateen in ka badan saddex kun oo qof oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada, laguna soo uruuriyay xogtaas kala duwan ee hortiina taala,taas oo ka kooban warbixin Afartan Bog Ah. Waxaanu maanta halka ku lafa guraynay kuna Qiimaynaynay annaga iyo ardaydan xogta ka soo ururisay dhammaan gobolada dalka oo dhan, waxaana ay halkan isagu yimadeen siday u qiimayn lahayeen una qabyo tiri-lahayeen warbixinta oo ay ka soo ururiyeen bulshada oo loogu talo galay in ay aas-aas u noqoto iyo gun-dhig, talo afkaarta dadka ee halkan lagu soo uruuriyay Man-hajka Somaliland. Barnaamijkan nuxurkiisu waxaa uu yahay in kor loo qaado talo- wadaaga Man-hajka Qaranka oo wasaarada Waxbarashada Somaliland, ay gacanta ku hayso.”.Ayuu yidhi Md.Axmed Cabdilaahi Maxamed.

Md.Axmed Cabdilaahi Maxamed, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyaradani ay si laxaadleh ugu soo dhabar adaygeen sidii xogtan loo soo ururin lahaa, waxaana tilmaamay in xogtani ay tahay mid muhiim ah oo anfaci doonta xafiiska Manaahijta ee Qaranka.

Md.Cabdinaasir Xasan ismaaciil oo ka mid ah ardaydii ka qeyb-qaadatay xog ururintan oo halkaasi hadal kooba ka jeediyey, ayaa tilmaamay in ay muddo dheer u soo dhabar adaygeen sidii ay xogtan u soo ururin lahaayeen, waxaana uu carabka ku dhuftay in xogaha halkan ku jira ee ay soo ururiyeen anfaci doonaan sida oo kalena wax badan ka tari doonaan Maj-hajka Somaliland.

Ugu danbeyntiina, waxaa Kuln hawleedkan soo afmeeray agaasime ku xigeenka waaxda Manaahijta ee wasaarada Waxbarashada, waxaana uu rajo fiican ka muujiyey in xogahan ay ardaydani keeneen yihiin wax badan oo anfaci doona jiilka soo socda, isaga oo sida oo kalena aad uga mahad celiyey ardaydii soo ururisay xogtan.

 “Runtii mashruucani Muddo dheer ayuu Socday, dhalinyarada halkan iskugu Timidna, waxa ay iskugu jiraan hablo iyo inamo, waxaana ay soo mareen deegaano kala fog iyaga oo layeeshay xog waraysi taabanaya Waxbarashada si hadhaw wixii  halkaas ka soo baxa loogu daro Man-hajyada cusub ee dugsiyada hoose-dhexe ee Jamuuriyada Somaliland loo samaynaayo. Xogta ay dhalinyaradani soo ururiyeen, waxaa laga soo saaray buugan, macalimiinta qori doonta Man-hajkana wax badan ayey ka faa’idi Doonaan.”