Tallaabooyinkii Dhabbaha U Xaadhay Quwadda Maraykan Uu Maanta Ku Dhaato

0
514

fasfasdfMadaxweyne William McKinley oo isagu Jamhuuriga ka socday ayaamarkii uu talada yimid ogolaaday in jasiiradahaas ganacsatada Maraykan qabsadeen ee Hawaii lagu soo daro dalka Maraykanka.

Tallaabadan uu Maraykanku dhulkiisa ku darsaday Jasiiradda Hawaii waxa ay ahayd guulihii ugu horreeyey ee uu ka gaadhay in uu dhulkiisa u fidiyo dhinaca badweynta deggen (Baasifigga). Markiiba waxaa arrintan ku baraarugay dalka Jabaan oo xilligaas quwad ahaa, waxa aanu bilaabay in uu isballaadhinta Maraykanka isna la tartamo, waana tii keentay in uu xoog ku qabsado dhowr jasiiradood oo badweyntan ku yaalla oo marka hore ay reer Yurub ka arrimin jireen.

6. Dagaalkii koowaad ee adduunku waxa uu burburiyey Yurub, laakiin Maraykan wax badani kama’ ay soo gaadhin:

Muddo tobannaan sano ah ayaa ay dunidu u soo qaybsanayd quwado loollan adag iyo tartan ka dhexeeyo, laakiin midkoodna aanay qabin hammiga ah in ay kelideed noqoto quwadda ugu weyn ee keliya ee ka jirta dunida. Dagaalkii koowaad ee dunidu waxa uu soo gabagabeeyey waayihii sidaas loo fikirayey.

Waxaa dagaalkan si toos ah ugu lug lahaa lix ka mid ah quwadihii waaweynaa ee xilligaas dunida ka jiray oo ahaa, Ingiriiska, Maraykanka, Jarmalka, Usteeriya, Ruushka iyo Faransiiska, quwaddii toddobaad ee xilligaas dunida ka jirtay waxa ay ahayd dawladdii khilaafadii Cusmaaniyiinta ee markaas Muslimiinta hoggaaminaysay, laakiin nasiib darro dagaalkii koowaad kama’ay soo hadhin oo waxa uu sababay in dawladdaas Cusmaaniyiintu ay furfuranto oo ay sidaas saaxadda quwadaha dunida kaga baxdo. Dalalkan kale qudhooda, marka laga reebo Maraykanka iyo Ingiriiska, La Soco