Mac-hadka Imaamul Ibnu-Baaz Oo Abaal-Marino Guddoonsiiyey Arday Kaalmaha Hore Ka Gashay Tartan Diini Ah

0
570

Picture1

Hargeysa(Geeska):-Munaasibad abaal-marino lagu guddoonsiinaayey arday ku guulaysatay tartan diini ah oo muddo 4-bilooda ka socday Mac-hadka Imaamul Ibnu-Baaz, ayaa lagu qabtay masjidka Nakhiil ee magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibadaas ka soo qeyb-galay wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada, Sheekh Barbaraawi, qaar ka mid ah culmida waaweyn ee dalka iyo marti kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyn Sheekh Yaasin Ibraahim Jaamac oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, ay khudbad kooban oo aad u qiimo badan oo uu halkaas ka jeediyey ku kaga waramay faa’idada uu cilmiga Diiniga ahi u leeyahay qofka bani-Aadamka ah noloshiisa, waxaana uu soo jeediyey in ardaydu ay ku dedaalaan sidii ay u baran lahaayeen cilmiga Shareecada, sida oo kalena Islmaamka uu ka muuqdo cilmiga ay barteen isagoo ku baaqay in culimada la ixtiraamo waxna laga barto.

Maamulaha Mac-hadka Imaamul Ibnu-Baaz Sheekh Faysal Yuusuf Cilmi oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyey culimada ka soo qeyb-gashay munaasibada abaal-marinta ardayda ku guulaysatay tartanka culuumta Shareecada, waxaana uu sida oo kale ka xog- waramay taariikhda mac-hadka Ibnu-Baaz iyo qeybahiisa kala duwan isaga oo sheegay in mac-hadku uu soo saaro dad aqoon dheer u leh Diinta isla-mar-ahaantaana ka qeyb qaata faafinteeda, isaga oo xusay in illaa wakhtigii la aas aasay oo ahayd 2008dii illaa maanta ay ka qalin-jabiyeen boqolaal arday.

Maamulaha Mac-hadku, waxaa uu sida oo kale ka waramay tartankan oo socday muddo 4-bilood ah, waxaana uu ka dhawaajiyey in aan loo kala xulan sida ay fasaladu u kala sareeyeen balse ay ka siman yihiin dhammaan ardayda wax ka dhigata Mac-hadka Imaamul Ibnu-Baaz, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in Mac-hadku uu si mugleh uga qeyb qaato horu-marka diinta Islaamka.

Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa Mac-hadka uga mahad-naqay dedaalka ay galiyeen barashada cilmiga Diinta Islaamka, isagoo ku dheeraaday dariiqa cilmiga barashada loo marayo, waxaana uu si gaar ah ugu boggaadiyey Mac-hadka Ibnu-Baaz tartanka culuumta shareecada Diinta Islaamka ee lagu abaal marinaayey ardaydii ku guulaysatay.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada Somaliland Md.Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan farxadweyn u tahay doorka uu Mac-hadka Ibnu-Baaz kaga jiro ku barbaarinta ardayda Diinta Islaamka, waxaana uu maamulka Mac-hadkaas aad iyo aad ugu boggaadiyey dedaalka ay ugu jiraan cilmiga Diinta Islaamka iyo barashadiisa, isaga oo dhinaca kalena u hambalyeeyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankaasi.

Ugu danbeyntii, waxaa Masjidka dhexdiisa Abaal-marino lagu guddoonsiiyey Toban arday oo ku guulaystay tartanka cilmiga shareecada Islaamka.