Hay’ad Caalami Ah Oo La Soconaysa In Sucuudigu Aanu Siyaasadayn Labada Xaram Iyo Guud Ahaan Sida Uu U Maamul Dhulka Barakaysan

31
3236

Kuala Lumpur (Geeska)- Waxaa dalka Maleesiya lagaga dhawaaqay dhismaha hay’ad caalamiya oo shaqadeedu tahay la socoshada iyo dabagalka qaabka iyo habsamida uu Sucuudigu ku maamulo labada xaram ee muslimiinta, iyo guud ahaan goobaha barakaysan ee uu gacanta ku hayo, oo ay ka mdi yihiin goobaha taariikhda Islaamka ku suntan.

Hay’addan ayaa baaqii aasaaskeeda ku sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii looga hortegi lahaa in goobahan barakaysan loo adeegsado ujeedooyin siyaasadeed. Iyada sida oo kale in ay ka hawlgelayso ka hortagga iyo joojinta tirtirista raadadka Islaamiga ah ee ku yaalla magaalooyinka barakaysan ee Makah iyo Maddiina, kuwaas oo ay khatar weyni ka soo foodsaartay ballaadhashada dhisme ee marba marka ka dambaysa ku sii kordhaya magaalada Maka Almukarama.

Warkan ay hay’addu dadka isku baraysay waxa kale oo ay ku sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii looga hortegi lahaa in dawladda Sucuudigu ay ku keliyeysato maamulka goobaha barakaysan, taas oo ay u arkaan in ay khatar ku keeni karto badbaadada dadka xajka iyo cimrada u socda. Waxa kale oo ay hay’addu ka shaqayn doontaa in laga hortago in Sucuudigu sababo aan lagu qanci karin awgood mararka qaarkood u xidho ama dadka uga xannibo in ay booqdaan goobaha barakaysan.

Ugu dambayntii hay’addan caalamiga ah oo ay xubno ka noqonayaan dalalka Muslimku waxa ay ka shaqayn doontaa in ay hubiso, in boqortooyada Sucuudigu ay si caddaalad ah dawladaha muslimka ah ugu qaybiso tirada dadka xajka tegeya, iyada oo aanay raad ku yeelanayn khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasiga ah ee jiraa.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa sheegaya in hay’addani ay baadhiso joogto ah ku samayn doonto, sida ay dawladda Sucuudigu boqolkii sano ee u dambeeyey u maamulaysay labada Xaram iyo in ay arrimo siyaasadeed u isticmaashay, ama ay dhaceen xad gudubyo aan daw ahayn oo ka dhan ah dadka xajka tegeya. Ugu dambayntii hay’addani waxa ay talooyin joogto ah siin doontaa boqortooyada Sucuudiga.

Weli ma cadda in Sucuudigu uu ogolaan doono in uu la shaqeeyo hay’addan, maadaama oo uu dhulka barakaysan u arko in ay ka mid tahay dhul weynihiisa qaran, sidaa awgeed uu isagu maamulkeeda leeyahay, keliyana diyaar u yahay in uu muslimiitna ku ixtiraamo, ugu adeego, kuna soo dhoweeyo gudashada waajibaadka ay u imanayaaan.

Marar badan ayaa ay soo noqdaan cabashooyinka ay dawladaha muslimka qaarkood ka sheeganayaan tirada ay boqortooyadu ka siiso saamiga dadka xajka tegeya, taas oo ay u arkaan in sababo siyaasi ah awgood loogu yareeyo, waxaa iyaduna cabasho joogto ahi ka yimaaddaan dalal kale oo ka cabanaya in dhibta siyaasiga ah ee Sucuudiga dhextaalla ay soo dhexgeliyaan xajka, waxaa dalalkan ka mid ah Iiraan iyo dalka Qatar oo sannadkii u dambeeyey aad uga cawday in boqortooyadu dadkeeda xajka tegeyey ku xidhay shuruudo ay adag tahay in ay ka soo baxaan, iyaga oo ay ka tahay aargoosi siyaasadeed. In kasta oo arrintaas uu Sucuudigu beeniyey.

Hore ayaa hoggaamiyihii la dilay ee dalka Liibiya Mucammar Alqaddafi waxa uu mar soo jeediyey, dhowaanna hadal haynteedu soo noqnoqtay in Xajka laga dhigo dhul leh maamul ka madaxbannaan dawladda Sucuudiga iyo siyaasadaheeda oo marka laga tago maamulka guud, loo sameeyo maamul rasmi ah oo ka yimaadda dawladaha muslimka oo dhan, si madax bannaana u maamula, si la mid ah sida loo maamulo kaniisadda Vetican ee Kaatoligga oo ku dhex taalla magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, laakiin u shaqaysa qaab dawlad madaxbannaan oo ku kooban cibaadada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here