Hay’adda MSF Oo 17 Shaqaale Ajaanib Ah Ka Daad Guraysay Somaliland Iyo Agaasimahooda Guud Oo Hadalo Ka Dhan Ah Amniga Dalka Ku Tiraabay

0
3973

3232323Hargeysa(Geeska)-Hay’adda MSF ayaa shaqaalaheedii ajaanibka ahaa ee ku sugnaa Somaliland oo ay tiradoodu dhammayd 17 ruux ka daad guraysay, waxaana la sheegay inay u rartay wadanka Kenya.

Hay’adda MSF, ayaa shaqaalaheeda wadanka ka daad guraysay horaantii bishan August, waxaanay shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay joojisay hawlihii caafimaad ee ay ka haysay cisbitaalka magaalada Burco ee gobalka Togdheer.  Hay’adda MSF, waxa ay ka bixitaankooda Somaliland salka ku haysaa cabsi amni oo ay sheegtay inay soo waajahday, waxaanu go’aankan ay Somaliland kaga baxday uu ku soo beegmayaa iyadoo shalay si rasmi ah u cadaysay inay ka baxday dalka Somaliya, ka dib nabadgelyo darro shaqaalahooda soo waajahday.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika, u sheegay in 4 bishan Agusut uu sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha MSF ee Somaliland uu la shiray shaqaalaha wadanka ka jooga islamarkaana uu ku wargeliyay inay dalka ka baxayaan, waxaanay wararku sheegeen inay go’aankoodaas ku wargeliyeen wasaaradda caafimaadka oo ah hay’adda dawladeed ee ay ku xidhnaayeen. Waxaanu sarkaalkaasi shaqaalaha ajaanibka ah ee baxay u sheegay inay hawlahooda shaqo ku wareejiyaan dadka u dhashay Somaliland ee ku xiga. Waxaanay shalay si rasmi ah u joojiyeen hawlihii shaqo ee ay ka hayeen Somaliland, iyagoo shaqaalaha wadaniga ah ee Burco iyo Hargeysa joogayna ku wargeliyay inay joojiyeen heshiisyada ay kula jireen.

Geesta kale, markii uu warkani soo baxay, dad badan oo ka mid ah shacabka Somaliland oo ka cadhooday go’aanka ay hay’adda MSF ku masaysay nabadgelyada buuxda ee ka jirta Somaliland iyo dhibaatada nabadgelyo darro ee ka jirta wadanka Somaliya, ayaa waxa ay barta uu ku leeyahay twitterka jawaabo ugu direen madaxa ugu sareeya hay’adda MSF Dr.Unni Karunakara oo shalay shir jara’id ku qabtay magaaladaa Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyagoo si adag ugu sharaxay sida ay uga xunyihiin go’aanka uu ku xidhay xafiisyadooda Somaliland. Dr. Unni, ayaa mid ka mid ah muwaadiniinta Somaliland ugu jawaabay in dadka ay uga baqayaan inay wax yeeleeyaan amniga shaqaalahoodu ay si fudud u tagi karaan Somaliland, “Dadka dhibka kula kacaya shaqaaalahayagu waxay awoodaan inay si fudud u tagaan Somaliland. Ma badbaadin karno shaqaalaha. Waa go’aan adag.” Sidaas ayuu ku jawaabay agaasimaha guud ee MSF.

Waxaanu hadalkiisu u muuqdaa mid ka fog xaqaa’iqa nabadgelyo ee wadanka ka jira oo uu u muuqdo inuu iska indho tirayo. Wasaaradaha kala duwan ee mawduucani uu xidhiidhka la leeyahay sida caafimaadka iyo daakhiliga oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.