Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadlay xidhiidhkooda Somaliland

0
639

Picture1Hargeysa (Geeska) – Safiirka boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa shalay ka qayb-galay furitaanka Carwada buugaagta Hargeysa oo sanadkiiba hal mar lagu soo bandhigo buugaagta sanadkaasi la daabaco ama soo baxa, si dhalinyarada iyo qorayaasha loo dhiirigaliyo.

Safiirka oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey ayaa shacabka reer Somaliland ku amaanay dedaalka meel kasta oo ay joogaan, isaga oo tusaale u soo qaatay muwaadiniin reer Somaliland ah oo haysta dhalashada Ingiriiska oo adduunka Magac ku leh, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Mo Faarax iyo Wariyaha caanka ah ee Raage Oomaar.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr Neil Wigan, ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo boqortooyada Ingiriiska “xidhiidhka Somaliland iyo Britain aad iyo aad ayuu isugu xidhan yahay maanta” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “La Shaqeynta Ingiriiska ee Somaliland-na si aad ah ayuu u wanaagsan yahay”

Safiirka Ingiriisku wuxuu sheegay in dawladda Ingiriisku ay Somaliland ka taageerto dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, tababarada ciidamada booliska, siiba tababarka haweenka booliska ah iyo xidhiidho ku saabsan amaanka mandaqada, isaga oo xusay inay labada dhinac ka wada hadlayaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee Ingiriiska.

Safiirku waxa kale oo uu si gaar ah carabka ugu adkeeyay sida dawladda Ingiriisku ugu faraxsan tahay sida muwaadiniinta reer Somaliland ee Ingiriiska ku dhaqan.