Ramadaan Kariim

1
792

Picture1Bismillaah, Insha Allaah, mawduuceenan Axkaamta Soonka oo taxane noqon doona inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, waxa aynu kusoo qaadan doonaa Axkaamta Soonka iyo fadligiisa iyo weliba faa’idooyinka badan ee inoogu jira soonka.

Soonku waxa weeye waajib kamid ah waajibaadka uu ilaahay subxaanuh inna saaray kaasoo kamid ah shanta tiir ee islaamka waxana uu ilaahay ku yidhi suurat Albaqra {Kuwii iimaanka yeeshayoow waxa la idinku faral yeelay soonka sidii loogu faral yeelay kuwii idinka horreeyayba si aad taqwa u yeelataan}.Sidoo kele waxa ku soo arooray saxiix al bukhaari iyo muslimka cabdullaahi binu cumar oo nebiga (SCW) ka weriyay inuu yidhi: (Islaamka waxa lagu dhisay shan tiir)waxana ka mid ahaa siduu sheegay xadiisku (soomka ramadaan).

Sidaa darted soonku waa mid kamid ah tiirarka uu ku taagan yahay islaamku hadii midkood la waayona islaamnimada qofku ma dhama. Soonka ilaahay waxa uu waajibiyay bisha barakaysan ee ramadaan waxaanu ku yidhi isla suurat albaqara {bisha ramadaan ee quraanka lasoo dejiyay isagoo ah hanuun iyo mid cadaynaya hanuunka iyo kala saarka xaqa iyo baadilka,kiinii markaa bisha xaadiraa ha soomo kii xanuusanaya ama safar ku jiraana ha qalleeyo maalmaha kele}.

Hadaba qof kasta oo muslim ah oo ilaahay iyo rasuulkiisa rumaysan waxa laga doonayaa in uu u diyaar  garoobo sidii uu usoomi lahaa bishaa barakaysan una gudan lahaa faralkaa alle. Waxa keloo oo loo baahan yahay in aynu kusoo dhowayno bishaa qalbi furan iyo farxad iyo raalli kana digtoonaano nacayb iyo cadho iyo werwer iyo diiqad aynu u qaadno bishan,waayo waxyaabaha lagu gaaloobo waxa kamid ah ee diinta lagaga baxo in loo cadhoodo shay diinta ilaahay kamid ah. Hadaba walaalayaal aynu bal tilmaano waxyaabaha qofka muslimka ah ka buriya soomkiisa iyo waxa aan burinahaynin waayo waxa aan usoo horraysiiyay mawduucaas si uu qofka muslimka ahi ugaga sugnaado aqoon waxa soomkiisa wax u dhimaya iyo wixii aan dhib lahayn. bal aynu ku horrayno wixii burinaya soomka .Soonka waxa jira waxyaabo buriya oo qofkaas laga rabo in uu qalleeyo soomkiisii iyo waxyaabo ajarka ka nus qaamiya kuwaasoo aan jebinayn soonkii laakiin nusqaan ku keenaya.

Shuruuda soonka:

Soonku waxa uu leeyahay shuruud ka horreysa, oo soonku aanu la’aantood ansax noqonayn, waxaana ka mid ah:

1. Islaam: Qofku waa inuu muslim yahay, oo hadaanay taasi jirin waxba laga aqbali maayo.

2. Qaangaadh: Waa inuu gaadhay da’da qaangaadhka oo ah 15 sano.

3. Waa in uu yahay qof maskaxdiisu fayowdahay oo aanu waalnayn.

4. Haddii qofka soomayaa uu gabadh yahay, waa in ay daahir ka ahaato caado iyo dhiigga dhalmada.

5. Niyadda, waa inuu habeenkii sii niyeeyo. Niyadduna waa qalbiga oo uu ku qabsado inuu soomayo berri.

Soonka waxyaabaha jebiya waxa ka mid ah:

1.  Ninka oo si ula kac ah isaga oo xasuusan soonka u taga xaaskiisa.

2.  Cuntada ama cabida; haduu qofku wax cuno ama cabo isagoon ilowsanayn soomkiisii waa uu buray.

3.  Caadada; hadii ay gabadhu iyadoo sooman caadada hesho ama dhiiga dhalmada waa uu ka buray.

3.  Iska matajin; qofka sooman haduu iska matajiyo waa uu ka buray soonkii.

4. Qofka oo gacantiisa isku biyo bixiya (Jinaabeeya)

5. Daawooyinka; hadii uu qofku dawo ka qaato meel jidhkiisa kamid ah sida afka sanka indhaha dhegaha iyo wixii lamid ah kadibna ay daawadii jidhka gudaha u gasho waa uu ka jabay soonkii, sidoo kele haduu sayloon qaato waa uu burayaa soonkiisu.

6. Sandaarsiga ama luqluqashada oo lagu talax tago, oo ay biyihii dalqada gaadhaan sidaana ay caloosha ugu dhaadhacaan waa uu jabayaa soonkii.

7. Ninka oo xaaskiisa ka ag dhowaada ama la macaamila kadibna ay biyo ka yimaadaan isna wuu ka jabay soonkii. Lasoco…

Halkana hadii alla idmo waxa aynu kusoo gudbin doonaa mawduuc ka hadlaya siiradii nebigeena muxamad (SCW)mawduucaas oo inoo socon doona bishaa ramadaan insha allah. Nebigeena  muxamad(SCW)waa nebigii ugu dambeeyay nebiyada waxana ay gashaa abtirsiintiisu nabi ismaaciil waxana uu ka dhashay qabiilkii la odhan jiray quraysh oo degi jirtay maka iyo hareereheeda, waxana nebiga awoow yaashii ay caan ku ahaayeen sharaf iyo cisi iyo geesinimo iyo karaamo ay karaameeyaan martida iyo ka ladulmay oo ay u hiilin jireen. Waxa uu ka dhashay qoys madax ahaa awawgiina waxa la odhan jiray Cabdulmudalib.

Cabdulmudalib waxa uu dhalay toban wiil oo kala ahaa: Abuu-Daalib oo la odhan jiray Cabdumanaaf, Abu Lahab oo la odhan jiray Cabdulcuzaa, Xamza,Cabaas,Diraar, Miqwam, Xaaris, Xajal, Cabdulaahi iyo Zubayr. Hablaha Cabdimudalib na waxa ay ahaayeen lix, magacyadoodu ay kala ahaayeen; Safiya, Baydaa, Barra, Arwa, Caatika iyo Umayma.

Cabdulmudalib ayaa kexeeyay wiilkiisii Cabdullaahi si uu ugu soo guuriyo gabadh wakhtigaa ahayd gabadha ugu sharafka badnayd gabdhaha quraysheed, aabeheedna uu ahaa sayidka tolkii, gabadhaas oo la odhan jiray Aamina bintu Wahab. Inyar kadib markii uu guursaday Cabdullaahi gabadhii aamina waxa uu u safray dalka shaam si uu ganacsi uga soo qabsado kadib markii uu soo laabtay ayuu madiina ku degay isagoo xanuusanaya waxaana uu ku degay reer ayeydii oo la odhan jiray (Banuu Najaar) halkaasaanu ugu dhintay xanuunkii isaga oo ka tegay xaaskiisii oo caloosha markaa ku siday Muxammad (SCW), dhaxalka uu ka tegeyna waxa uu ahaa gabadh adoon ahayd oo la odhan jiray Baraka Al-Xabashiya iyo shan geel ah iyo xayn adhiya. Lasoco…

 

Comments are closed.