Hay’ada Save The Children Sidey U Macnayn Kartaa Hawlaha Ay Ka Waddo Somaliland?

0
4015

 

Save-the-Children1Hargeysa (Geeska/The Horn)- “Carruurta maxaa innaga galay, waxa aynu halkan u joognaa in aynu mushahar badan helno, qolal xabsiyo ah oo u gaar ahna uga dhex dhisno saldhigyada booliiska iyo xabsiyada si loogu hayo” Ereyadan culus waxaa lagu bilaabay qormada tifaftirka ee Wargeysa The Horn oo ah mataanka Wargeysan Geeska Afrika oo isagu ku baxa luuqadda Ingiriisida.

 

 

Qormadan oo ahayd mid aad u qiiro badan waxa uu Wargeysku si weyn hoos ugu eegay dhibaatada haysata ubadka qoysaska faqiirka ah ee reer Somaliland iyo kuwa dalalka deriska ka yimi ee qaxoontiga ah, isaga oo si gaar ah toosha ugu shiday sida aanay hay’adda ku magacaaban bad-baadada carruurta ee Save The Children Alliance waxba ugu qaban.

 

Qormadan wargeyska oo timid toddobaad uun kadib markii ay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka hawlgala oo dabcan SC ka mid tahay ay carwo ku soo bandhigeen wax-qabadkooda. Iyada oo aanay mid keliyi soo hadal qaadin dhinaceeda foosha xun, hay’adda Save the children oo og gaabiska badan ee ay bulshadu ka tabanayso daryeelkii laga filanayey hay’ad sidan u ballaadhan oo ay ku midoobeen inta badan hay’adihii dalalka kala duwan ee dunida deeqada bixisaa ugu talogaleen daryeelka carruurtu. Arrintan uu wargeysku taabtay waxa ay ku soo beegantay iyada oo maalmo yar ka hor uun uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland khudbaddii uu ka jeediydy munaasabaddii xidhitaanka carwadii ay ku soo bandhigeen wax-qabadkooda uu si badheedh ah farta ugu fiiqay qaladaadka dhinaca gargaarka ka jira, oo ay ugu horreyso in hay’adaha loo soo dhiibaa ay lacagta ugu badan ku isticmaalaan raaxadooda iyo mushaharkooda iyaga oo qofkii baahnaa so ogaadhsiinaya wax ka yar hal doolar.  Wargeyska oo arrintaa sii faahfaahinayaa waxa uu yidhi, “Waxaa arrin niyad jab iyo murugo abuuraysa ah in aad aragto ubadka ka dhashay qoysaska danyarta ah, carruurta ku nool goobaha ay deggen yihiin dadka baro-kacayaasha ah iyo da’ yarta qoysaska qaxoontiga ah oo baahi ba’an oo dhan walba ah la silcaya, halka kuwa ku andacooda inay ka shaqeeyaan hawlaha aadamenimo iyo horumarinta bulshadu ay ku badhaadheen qaadhaanka ay deeq-bixiyeyaashu ugu soo dhiibeen ubadkan” Wargeyska The horn waxa uu qoraalkiisan tifaftirka si gaar ah xoogga ugu saaray hay’adda SC maadaama oo shaqada magaceedu ku dhisan yahay ay tahay daryeelka iyo badbaadinta carruurta iyada oo la og yahay in carruurtu ay tahay dhibbanaha ugu weyn ee faqriga, colaadaha iyo guud ahaanba dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sababaan labadaba.  Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Inta badan ee wax-qabadka la soo bandhigay (Carwadii lagu soo bandhigay) waxa uu ahaa mid fahamkiisa la duway, laakiin ka ay soo bandhigtay hay’adda Save the childrenayaa isagu ka tagayey dhadhanka ugu xun, sababtu ma’aha waxa ay hay’adda SC qabatay ama qabanayso, laakiin waa gaabiska ka muuqdaa wax-qabadkeeda”

 

Wargeysku waxa uu tusaale u soo qaatay ubadka dib-jirka ah oo uu sheegay in ay tusaalaha ugu dhow ee laga eegi karaa uu yahay shaaracyada magaalada Hargeysa ee ay ku daranyeysan yihiin iyaga oo la daayacayna ay jiifaan jidadka hareerahooda iyo carruurta baahiyihii aasaasiga u ah nolosha dabooli kari waayey ee qaatay baarashka iyo in ay qashinka guraan, arrintaas oo aynu og nahay in aanay meel ka dhac ku ahayn aadamenimada oo keliya balse ay gebi ahaanba ka hor imanayso xuquuqdii uu ilmuhu lahaa, waxaa iyaguna xusid mudan carruurta ku qasbanaaday in ay shaqooyin aanay qaban Karin dhabarka u ritaan si ay qoysaskoodad baahan quud ay ku noolaadaan ugu helaan.

 

Waxaa wax laga xumaado ah xaaladda carruurta dib-jirka ah ee tag-darrada ay ka qaadeen cunto xumada ay u dheer tahay nolosha nadaafad darrada ah ee ay ku jiraan, waxase murugada ugu darani ay tahay marka ay bukoodaan. Wargeyska The Horn oo sii wata qoraalkiisu waxa uu yidhi, “Silica haysta carruurta derbi-jiifka ah iyo kuwa kale ee dhibban waxaa murugo ku sii kordhinaya dhimashadii masiibada ah ee midkood uu la kulmo xilli uu doonayo in uu biyo wasakh ah u dhaamiyo qoyskiisa harraadku hayo”

 

Arrintani waxa ay ina xasuusinaysaa masiibadii sannadkii hore ka dhacday dhaamka jigjiga yar ee magaalada Hargeysa oo qof kasta oo qalbi naxa leh ka ilmaysiisay, laba carruur ah oo walaalo ah ayuu mar keliya liqay dhaamkan oo ay dhar maydhasho iyo aroor u tageen. Isaga oo arrintan lafteeda The Horn ka hadlaya waxa uu yidhi, “Weji gabaxa masiibadani daaha ka fayday waxa ay ahayd, shilkan oo ka dhacay kambalka hay’ado caalamiya oo hawsha koowaad ee ay dalka u joogaan tahay daryeelka ubadka. Hay’adahan sharafta badani in ay far dhaqaajiyaan ha joogto ee xataa waxa ay ku fashilmeen in ay tacsiyadeeyaan qoyska geeriyeysan ee faqrigu uu u saamixi waayey in ay iska bixiyaan kharashka aaska”

 

Waxa ay quudhi waayeen in ay deyr yar ku xidhaan dhaamkan ama dawladda kala shaqeeyaan sidii loo aasi lahaa. Ugu dambayntii waxa uu wargeyska The horn tilmaamay in caawimada ugu mudan ee ay hay’dda badbaadada carruurta ee Save the children bixisaa ay tahay inay qolal xabsiyo gaara ah u dhisto carruurta dembiyada gala si looga dhex saaro xabsiyada iyo saldhigyada bilayska. “Save the ChildrenAlliancewaa in ay dib uga fikirtaa hawlaha ay qabato. Boqolkiiba 70 miisaaniyaddooda ay ku bixiyaan mashaariic leh faa’idooyin la taaban karo oo wax u tara carruurta dhibban ee ay masuulka ka yihiin, haddii kale dalka ay iskaga baxaan” isaga oo kula taliyey in haddii ay doonayaan in ay qayb ka noqdaan is-beddelka dhinaca horumarka ee arrimaha bani’adamnimada in ay ka tagaan dhaqankooda ah, Wax badan xoogso carruurtu ha iska silicdo ee” oo ay qaataan hal-ku-dhegga ah, “Mushahar yar hel laakiin carruurtu ha horumarto