Cudurro Hore Loogu Yaqaannay Dadka Da’da Ah Oo La Sheegay In Imika Ay Ku Soo Guureen Dhalinyarada (2): Diyaare Kamaal Axmed Cali

2
1960

 

xanaanHargeysa- In kasta oo ay dunida maantu ku faanto in ay horumar ballaadhan iyo aqoon casri ah ka gaadhay dhinacayda caafimaadka, khubarada daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in nolosha casriga ah ee maantu ay tii hore kaga duwan tahay, hab-nololeedka, cuntada oo inta badan aanu caafimaadkeedu fiicnayn iyo dhaqdhaqaaqa jidhka, arrimahaas oo ay khubaradu sheegeen in ay sabab u noqdeen in dhalinyaradii ay ku dhacaan cudurro waayadii hore lagu arki jiray dadka gaadha 70 jirka ama 80 jirka. Xanuunnadaas oo qaybtoodii kowaad ku soo baxday cadadkii hore, qaybtoodii labaad waa tan:

 

3. Kansarka Naasaha:

Caadi ahaan da’da ugu horreysa ee cudurkan laga baadhi jiray waxa ay ahayd 45 jirka iyo wixii ka sarreeya, laakiin muddooyinkan dambe waxaa la ogaaday in da’da uu cudurkani ku dhacayaa aad hoos ugu soo yaraatay. Waxaa la arkaa xaalado badan oo ah hablo weli ku jira da’dii koritaanka oo qaba cudurka Kansarka Naasaha. Ann Patridge oo agaasime ka ah barnaamijka dhalinyarada qaba cudurkan oo ka tirsan mac-hadka Dana-Farber ee kansarka ayaa ku talisay in habluhu si ay cudurkan isaga ilaaliyaan ay qasab noqonayso in ay sameeyaan jimicsi joogto ah, in ay miisaankooda aad u ilaaliyaan si aanu u dhaafin inta dabiiciga ah iyo in ay iska ilaaliyaan maandooriya gaar ahaan noociisa Alkoosha (Isbiirtada leh). Haddii ay jirto xaalad hidde ah oo tusaale ahaan cudurkan hore loogu arkay isirka gabadha waxaa qasab ah in ay qaaddo tallaabo intaa hore ka soo dadaal badan oo ay ka mid tahay inay joojiso noocyo ka mid ah kiniinada oo keena xanuunkan, iyo weliba in naaska la jaro haddii ay khubaradu xaqiijiyaan in cabsida laga qabo inuu cudurkani ku dhacaa aad u sarrayso.

4. Alzheimer's (Asaasaqa): Da’da lagu yaqaannay cudurkani waxa ay ahayd 65 jir iyo wixii ka sii weyn, laakiin muddooyinkan dambe waxaa aad u soo badanaya dad aanay da’doodu weli ka gudbin 50 jirka oo cudurkan laga helayo. Dr. Gustavo Alpha oo madax u ah golaha barayaasha heer jaamacadeed ee caafimaadka nafsiga ah ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay suurto gal tahay in laga hortago cudurka Alzheimer’s oo aad ugu dhow xaaladda ay Soomaalidu u taqaanno Asaasaqa, siyaabahaas looga hortagi karana waxaa ka mid ah xusuusta oo aad loo xoojiyo. Sida aynu uga fikirno korinta jidhkeenna si la mid ah waxaaqasab ah in ka fikirno korinta iyo kobcinta awoodda maskaxdeenna. Wax yaabaha awoodda maskaxda iyo xusuusta koriya ee ay khubarada caafimaadku sheegaanna waxaa ka mid ah barashada luuqadaha ajaanibka.

Waxaa jira hal-ku-dheg caafimaad oo yidhaahda, wax kasta oo wadnaha faa’ido u lihi. Maskaxdana waa uu u leeyahay” Sidaa awgeed dufanka Kalastarool oo dhiigga ku bata, dhiig karka iyo weliba miisaanka culus oo lala dagaalamo dhammaan waxa ay faa’ido u leedahay maskaxda.

Lafo burburka: Cudurkan oo luuqadda qalaad lagu yidhaahdo Osteoporosis waa nooc ka mid ah cudurrada lafaha ku dhaca, waxaa dhammaada curuuqda lafaha waxaana lafta ku yimaadda ciidow si sahlan ay u jabi karto, waxa aanu ku badan yahay dumarka da’da ah. Xanuunka Osteopporopsis waxa uu can ku ahaan jiray dadka ay da’doodu ka weyn tahay 65 jirka, laakiin muddooyinkii dambe waxaa cudurkan laga helayey dad da’doodu aanay ka weynayn kontomaad. Catherine Dimer oo agaasime ka ah barnaamijka caafimaadka lafaha ee kuliyadda caafimaadka ee Washington ayaa sheegtay in siyaabaha ugu fiican ee looga hortagi karo cudurkan ay ka mid tahay in qofku uu xoojiyo lafihiisa oo ay ugu horreyso inuu kordhiyo Kalshiyaamta oo la og yahay in ay lafaha xoojiso, iyo in uu cuno Vitamin D, kadib marka uu dhakhaatiirta la tashado.

Arrimaha kale ee muhiimka u ah in lagaga hortago cudurkan waxaa ka mid ah jimicsiga jidhka oo la joogteeyo si muruqyada loo dhiso iyo si loo xoojiyo awoodda lafaha qolfoofka jidhkeenna, in sigaar cabbista iyo maandooriyaha laga dheeraado iyo in la iska ilaaiyo isticmaalka sharaabka iyo cuntooyinka ay ku jirto maadadda Phosphoric oo si baas uga takhalusa kalshiyaamta lafaha. La soco…

Comments are closed.