Abwaan Hadraawi Oo Mushkiladihii Ay Somaliland Kala Kulantay Somaliya U Nisbeeyay Midnimadii Jibada Ahayd

0
542

 

hadraawiHargeysa (Geeska)- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa soo jeediyay in adeega dawladnimo la balaadhiyo oo la gaadhsiiyo degmooyinka iyo gobalada si caasimadda Hargeysa looga dhimo sixmada iyo culayska.

 

Abwaan Hadraawi ayaa sheegay in mushkiladii bulshada Somaliland ay kala kulantay midowgii Somaliya aanay reer Muqdisho masuul ka ahayn, balse ay keentay degdegii lagu qaatay midnimo aan wax heshiis ah ama ballan iyo qoraal midna lahayn ee hadyada laga dhigay. Abwaan Hadraawi oo Wargeyska Geeska Afrikauu la yeeshay waraysi khaas ah, waxa kale oo uu ka hadlay mushkiladda mudada ka taagnayd gobalka Buuhodle ee u dhaxaysa bulshada gobalkaas iyo dawladda Somaliland. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Abwaan Hadraawi, bal fikirkaaga naga sii sidaad u aragto go’aanka  Maxkamada sare ka soo saartay dacwad hore ururadii hadhay qaarkood ugu gudbiyeen, oo ku saabsanayd, cadaalad daro ay ka tirsanayeen Guddidii Diiwaangelinta Ururada?

 Ugu horeyn sababaha go’aanka diidmada loo cuskaday war badan kama hayo, kolay sababo xaq ah iyo kuwo baadil ah ayaa jiri kara. Haddii sharci daro lagu reebay waa khalad, waanan ka soo horjeedaa haddii xaq lagu reebayna kolay ciddii ku reebtay ayaa og, laakiin inay ku qancaan weeye shuruucda aynu dhiganay.

Waxa ka socda Muqdisho shirar  lagu dooranayey baarlamaan iyo madaxweyne cusub, oo dad kala duwan oo Somaliland u dhashay qeyb ka yihiin, halka hore xukuumadu u shaacisay qofkii ka qeybgala in lagu qaadi doono shuruucda dalka uga yaal, sidaad u aragtaa?

Horta sharci Somaliland yaala oo diidaya in xamar la tagaa ma jiro, oo dadku maxaabiis maaha, qofkuna isagaa og muraadka uu u tegayo, waa dhulkii shalay la wada joogay, inay arrintaasi dhacdana waxa keenay nidaamkii dalka la talin jiray ayaa halkaa dadka kala geeyey, qofka xamar tagaa sharci lagu qabto ma jiro, oo lagu xidho, haddaanu jebin sharci kaloo uga yaal Somaliland tegitaanka xamar. Shalay Xamar innagoo yaacayna oo jibbo inna hayso sida gurmadka waa tii Xamar loo tegay, iyadoo gobanimmo la sido, oo kalgacal la sido, oo midnimo la sido waa tii dhaqaajisay dadka halkan degan, ee gobanimadii la yidhi naga gudooma, ayaan-darooyin ayaa dhacay iyo degdegii halkan ka dhacay. Mushkiladii reer Somaliland ku dhacday reer Muqdisho masuul kama ahayn, waxa masuul ka ahaa degdegii lagu qaatay midnimo aan wax heshiis ah ama ballan iyo qoraal midna lahayn ee hadyada laga dhigay ayaa ka masuul ah. Cidii hadyada loo geeyey ee la wareegtay ee albaabada xidhatay, qirina waayey inay yihiin laba gobol oo isku darsamay ee ka qadiyey gobanimadii ayaa dhalisay. Annigu dadka reer Muqdisho eeda saari mayo. Haddii maanta la kala noqday dadka reer Somaliland ka mamnuuc maaha inay xamar tagaan, sida ummad fara badan oo reer Muqdisho ahba halkan u joogaan.

Dedaalada nabadeed ee ka socda Buuhoodle oo dhowaan xukuumada Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayey Saleebaan Xagla-toosiye, wada galeen, sidaad u aragtaa?

Waan ka xumahay ayaan daraa dhacday, dadku waa walaalo, is-dhalay, nolosha wadaaga, hore dagaalo ayaa u dhacay, intii ku dhimatay ilaahay ha u naxariisto, intii ku dhaawacmayna caafimaad taam ah ha siiyo. In dagaal dhexmaro ummada annigu guud ahaan waan ka soo horjeedaa. Markaa waxaan ka codsan lahaa dawlada inay samir yeelato, dulqaad yeelato, tasaamux yeelato, waa inaan mushkiladaa xabad iyo qori lagu xallin ee reer Buuhoodle lagu yidhaahdo, maxaad doonaysaan ama tabanaysaan, waa in la helo sababta dagaalka keenaysa. Buuhoodle weligeedba Somaliland ayey ahayd, ila awakhtigii Ingiriiska, ilaa intii gobanimadu jirtay, ayaan darada soo kala dhexgashay labada dhinac waa mid uun meelahan dhow ka timid, dee dawlada masuuliyad ayaa saarane, waa inay nabadii raadiso, dawladi dul leh ayaa la yidhaahdaa, waa inay nabada baadi-doontaa.

Gobolka Togdheer ka waran xaaladiisii nabadgelyo iyo dhaqaale?

Adeer, gobolka Togdheer halkiisii ayuu ku yaal, afar iyo labaatanka saacadood Hargeysa ayuu soo eegayaa, waana caadada wadamada Afrika dhamaantood, waxa la yaqaanaa keliya caasimada, oo gobolada intooda kale waa la ilaawaa, oo caasimada keliya ayuu dhaqdhaqaaq ka jiraa. Waxay ila tahay in la balaadhiyo dawladnimada, oo gobolada oo dhan raadkeedu ka muuqdo, oo xafiisyadeeda, waajibaadkeeda, iyo muraadada shacabku leeyahay, ee xaq goboladu u leeyahiin meel saaraan, haddii sidaa la yeeli waayo, oo ciddi ugu tegi weydo, waxay ku khasbanaanayaan in  gobolada oo dhan ku soo shubmayaan Hargeysa, oo saxmad ayaa ka dhacaysa halkan (Hargeysa). Waa in dawladnimada la balaadhiyo oo  gobol walba xaqa uu leeyahay la siiyo.