Haweenka Muslimka Ah Oo Wacdaro Ka Dhigay Doorashadii U Dambaysay Ee Maraykanka (Q.1aad)

0
655

Waxaa weli aad loo hadal hayaa doorahsadii madaxtinimada ee Salaasadii 3-da Noofambar ka dhacday dalka Maraykanka, mar kastana waa sidaas oo murashaxa madaxweynaha ku guulaysta iyo kan laga guulaysto ayaa ay magacyadoodu ku jiraan wararka, warbixinaha , falanqaynta iyo doodaha warbaahinta iyo sida oo kale sheekada dadka caadiga ah. laakiin doorashada madaxweynaha waxaa ku lammaan doorasho kala badh kuraasta Kongareeska lagu tartamo iyo doorashooyinka guddoomiyeyaasha iyo baarlamaannada goballada.

Sannadkan waxaa doorashooyinkaas wacdaro ka dhigay muslimiinta guud ahaan iyo haweenka muslimka ah.  110 kursi oo loo tartamay aya in ka badan kala badh ay ku guulaysteen muslimiintu.

Shabakadda ‘Middle East Eye’ ee dalka Ingiriiska ayaa faafisay warbixin ay cinwaan uga dhigtay, “Doorashooyinka Maraykanka 2020: Murashaxiinta Muslimiinta Maraykanka ee taariikhda sameeyey” waxa aanay soo bandhigtay tiro muslimiinta Maraykanka ka mid ah oo ku guulaystay Kongareeska Maraykanka iyo kuraas badan oo goleyaasha sharcidejinta ee goballada ka mid ah.

  1. Mauree Turner

Mauree Turner oo ah gabadh dhalatay 1992 ayaa ku guulaysatay xildhibaannimda golaha wakiillada ee gobalka Oklahoma ee dalka MAraykanka. Waxa ay noqotay xildhibaankii ugu horreeyey ee muslim ah, sida oo kale waa qofkii ugu horreeyey ee si cad u sheegta in aanay dheddig iyo lab midna ahayn (Labeeb) ee xildhibaan ka noqda dalka Maryakanka.

Turner oo ah 27 sano jir ka tirsan xisbiga dimuqraaddigu waxa ay cod boqolkiiba 71 ah kaga adkaatay ninkii la tartamay ee Kelly Barlin oo xisbiga jamhuuriga ka socday.

Turner waxa a yku ololaynaysay in ay baarlamaanka ku meteli doonto dadka isku jinsiga ah ee is guursada, iyo muslimiinta laga tirade badan yahay.

Mauree Turner waxa kale oo ay aad ugu dhaqdhaqaaqda dadaallada lagu dalbanayo in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka garsoorka madaniga ah iyo difaaca xorriyadaha madaniga ah ee uu xaq u yeelanayo qof kasta oo soo gala dalka Maraykanka.

Turner wada ay hore xubin uga ahaan jirtay golaha xidhiidhka Islaamak ee Maraykanka. Aabaheed Turner ayaa muslim ahaa, hooyadeedna waxa masiixiyad ka tirsan mad-habta Barotastanka.

  1. Faadi qudurat

Faadii Qudurat oo ah 44 sano jir asalkiisu Falastiini yahay ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee soo galaha golaha odayaasha ee gobalka Indiana ee dalka Maraykanka.

Faadi oo ka socday xisbiga dimuqraaddiga ayaa guul boqolkiiba 52 iyo boqolkiiba 48 ah waxa uu kaga adkaaday ninkii la tartamayey ee xisbiga jamhuuriga oo ahaa John Ruckelshaus.

Faadi isaga oo ka hadlayey guusha uu gaadhay, waxa uu dalka Maraykanka ku ammaanay furfurnaanta iyo xuquuqda muwaadiniintu u siman yihiin, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waan guulaysannay! Maraykanka oo keliya ayaa ay suurtagal ka tahay in qof kastaa uu u soo haajiri karo, kaddibna inta uu si dhab ah u shaqeeyo kasban kara kalsoonida tobannaan kun oo codbixiyeyaal ah, si u uu noqdo xildhibaankii ugu horreeyey taariikhda gobalka Indiana ee muslim ah ee muslimiinta ku metela golaha odayaasha ee gobalkiisa Indiana”

Faadi waxa uu ka mid yahay muslimiinta ku faana dhaqankooda muslimnimo inta badanna bulshada la wadaaga warar iyo sawirro muujinaya diinta islaamka ee uu aaminsan yahay.

Madinah Wilson Anton

Madiinah oo ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga ayaa noqotay xidlhibaankii ugu horreeyey ee muslim ah ee soo mara taariikhda gobalka Delaware oo ay boqolkiiba 71.6 codadkii doorashada heshay.

Madiina waxa ay ballanqaaday in ay ka shaqayn doonto sidii dib u habayn loogu samayn lahaa nidaamka waxbarasho iyada oo hoosta ka xariiqday baahida gobalkeedu u qabo in carruurta gobalku si siman u helaan waxbarasho tayo leh. Madiina waxa kale oo ay ka shaqaysaa arrimaha wanaajinta cimilada iyo deegaanka.

Madina oo dhalatay sannadkii 1993 kii waxa ay doorashadan kaga adkaatay murashaxii xisbiga jamhuuriga oo ahaa Timothy Conrad kaddib markii uu helay codad ka yar boqolkiiba 29.

Madiinah waxaa lagu tilmaamay qofkii ugu horreeyey ee muslim diinta ku dhaqma ah ee kursi ka hesha baarlamaan gobaleedka Delaware.

Madiinah waxa ay shahaadada koowaad oo barashada xidhidhada caalamiga ah iyo daraasaadka Aasiya ah ka qaadatay jaamacadda Delaware, marka Afka Ingiriisiga laga tagana waxa ay si rasmi ah u baratay kuna hadashaa afafka Carabiga, Shiinaha, Faransiiska iyo Isbaanishka.