Wargeys caalami ah oo sheegay in Somaliland laga saaray hay’ad Qramada Midoobay ka tirsan oo diiday inay guryo u dhisto wasiirro

0
876

Wargeyska African arguments oo baahiyay warbixin eeddo loogu jeediyay dawladda Somaliland oo lagu eedeeyay musuqmaasuq baahsan

Hargeysa(Geeska)-Qoraal dheer oo shalay lagu baahiyay majalada caanka ah ee African Arguments, ayaa eeddo tiro badan loogu jeediyay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi.

Qoraalkan oo uu qoray Mr. Robert Kluijver oo ah nin falanqeeya arrimaha caalamiga ah iyo kuwa Afrika, ayaa wuxuu kaga hadlay isfaham waaga soo kala dhex galay Somaliland iyo Qarmaada Midoobay. Warbixintaas oo uu ciwaan uga dhigay Maxay Somaliland u hakisay iskaashiga Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu eeddo ugu jeediyay dawladda Somaliland, wuxuuna sheegay in mawqifka adag ee Somaliland uu keenay heshiis ay kala saxeexdeen Qaramada Midoobaty iyo dawladda Soomaaliya, isagoo sheegay in go’aanka dawladda Somaliland u muuqdo inuu yahay mid si ula kac ah loo qorsheeyay oo loo sameeyay, wuxuuna sheegay Mr. Robert, in dawladda Somaliland ay sannadkii 2018 dalkeeda ka saartay mid ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in hay’adahaas dalka laga masaafuriyay ka dib markii ay diiday inay xubno wasiiro ah guryo u dhisto, “Maamulka Madaxweyne Biixi wuxuu u muuqdaa inuu ku kalsoonyahay in Qaramada Midoobay sii wadi doonto barnaamijyadeeda.  Waxa laga yaabaa inay tani salka ku hayso dhacdadii sannadkii 2018 ay Somaliland ku masaafurisay hay’ad Qaramada Midoobay ah, sababtoo ah waxay diiday inay laba guri u dhisto wasiiro. Halkii ay xidhiidhka ka jari lahayd hay’adu waxay u wareegtay Puntland oo ay ka soo waday hawlaheedii Somaliland, iyadoo dhex maraysa ururo maxali ah ilaa sanad ka dib la ogolaaday.” Ayay tidhi warbixintu, iyadoo aan cadayn hay’adda ay tahay hay’adda diiday inay guryo u dhisto xubno wasiiro ah iyo weliba magacyada wasiiradaba.

Mr. Robert, wuxuu warbixintan uu ku qoray majalada African Arguments ku sheegay in madaxda Somaliland aaminsanyihiin inay fiicantahay in dhaqaalaha Qaramada Midoobay lagu kharash gareeyo dawladda oo si toos ah loogu shubo taas oo wax ka weyn ka tari lahayd baahiyaha nolosha ee shacabka, waxaanu sheegay in fikirkan ay dad badani aaminsanyihiin.

Inkastoo uu sheegay in arrintan ay qabaan madaxda Somaliland ay badhkeed xaqiiq tahay, wuxuu haddana ka digay musuq badan oo uu sheegay inuu  dalka ka jiro, “Inkatoo heerka musuqmaasuqu had iyo jeer jiray wuxuu hadda noqday mid muuqda.” Ayayay tidhi warbixinta oo intaas ku dartay in xubno ka tirsan dawladu ay hanti ma guurto ah ka samaysteen dalalka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, mana uu soo bandhigin magacyada masuuliyiinta Somaliland ee uu eedaynayo.

Hayaddan uu qoraagu sheegay ee ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa inkastoo aanu magaceedi sheegin, haddana inta la ogyahay hay’adda ILO ayay isku dhaceen xukuumadda Somaliland, laakiin sida ay Geeska Afrika u sheegeen dad xogogaal u ah arrintan, sababta isku dhaca ayaan ahayn guryo ay xubno wasiiro ahi ka dalbadeen sida uu qoraagu sheegay, waxase la isku seegay shir ay hay’adu ku qabanaysay Nayrobi oo lagu martiqaaday Somaliland kaas oo ay Somaliland diiday ka dib markii ay shirka gadhwadeen ka noqotay dawladda Soomaaliya. Waxa kale oo aan jirin hay’adaas in dalka laga saaray, waxase jiray waraaqo digniin ah oo loo qoray.

 

Geeska.net/Hargeisa Office