Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Sheegay Inuu Somaliland Iman Karo, Balse Uu Amniga Tixgelinayo

0
903

“Haddii Aragtida Muuse Biixi tahay aynu ku oodnaano Laba Nuux, Dumbuluq iyo Agagaarkeeda oo intaas uun baa caalamkii inoo ah…” Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya

Muqdisho (Geeska) – Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland ee Aaminsan Mabda’a Midnimada ayaa sheegay inuu xilligan oo xilka Raysal-wasaare ku-xigeenka ka hayo Soomaaliya uu haddana tagi karo Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Raysal-wasaare ku-xigeenka oo lagu Waraystay Magaalada Muqdisho ayaa dooday in Siyaasiyiinta xilalka ka haya Dawladda Soomaaliya uu mid walba tagi karo deegaanka uu ka soo jeedo ee Somaliland ka mid ah, balse ay Tixgelinayaan Amniga guud ee Somaliland iyo Midnimada Shacabka reer Somaliland.

Guuleed oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Taa waxaanu yeelnay (in aanaan Hargeysa tagin) nabadda Dadkaa annaga oo eegayna, waanu tagi karnaa, laakiin ma rabno in Rabshad iyo buuq dhasho, Wasiirka Warfaafintu Burco wuu tagi karaa, Wasiirka Dastuurku Ceerigaabo wuu tagi karaa, Wasiir Beyle wu tagi karaa Awdal, wax u diidi karaa (ma jiraa) Waayo? habeen iyo Maalin Wada-hadal iyo Telefoon baa noo socda, markaa waxaanu ilaalinaynaa waxaanu ilaalinaynaa Nabaddaa jirtaa inay jirto oo Dadkaasi (reer Somalilandna) iyagoo Hal mid ah Wada-hadal iyo Xal Midho-dhal ah la gaadho..”

Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya waxa kale oo uu ku dooday in Dadka Somaliland-nimada aaminsan ay ka badan yihiin Dadka aaminsan Midnimada Soomaaliya “Hore waan u sheegay in lagu kala duwan yahay fikirka Midnimada iyo kala tagga. Hargeysa waxa jooga Soomaali badan oo reer Hargeysa ah oo midnimo aaminsan, Burco waxa jooga Soomaali badan oo reer Burco ah oo Midnimo aaminsan, sidoo kale Awdal. Awdal waxa badhasaab looga dhigay Nin Beesha dhexe ka soo jeeda, Dad gaar ah oo ay sheekaysteen ayuu Ingiriiska ah ugu sheekeeyay, wuxuu yidhi waxyaabaha layaabka leh ee aan ku arkay Boorama Guri kasta oo aad aragto Calanka Buluugga ahi wuu ku buufsan yahay ama Calanka Buluugga ahi sanduuqa ayuu ugu jiraa, haddii Qof kasta oo reer Boorama ah la saro dhiiggiisu wuxuu qorayaa Soomaali-weyn..” ayuu yidhi, Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, waxaanu intaa ku daray “Sidaa darteed, haddii Afti la qaado waxaan aaminsanahay inay badan yihiin Dadka aaminsan Soomaali-weyn..”

Raysal-wasaare ku-xigeenku waxa kale oo uu duray Aragtida Gooni isku taagga ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi “Haddii Aragtida Muuse Biixi tahay aynu ku oodnaano Laba Nuux, Dumbuluq iyo Agagaarkeeda oo intaas uun baa caalamkii inoo ah, aniguna aan leeyahay Maya, Waayo? 30 sanadood lama aqoonsan (Somaliland), Dadkii waxa ka lumaysa Waxbarashadii, dhaqaalihii waad ogtahay, xidhiidhkii waad ogtahay, markaa Midnimada Dadkaasaa keenay (Somaliland), Midnimadana waxa lagu helaa wax ka ballaadhan (Gooni isku taagga)..”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office