Haweenka Iyo Qur’aan Akhriska (1): Gabadhii U Horreysay Ee Ku Guulaysatay Tartanka Caalamiga Ah Ee Qur’aanka

0
778

Waxaa jira haween badan oo Alle hibo u siiyey cod hallaasi ah oo ay Qur’aanka Kariimka ah si khushuuci ku ladhantahay ugu akhriyi karaan. Laakiin inta badan warkoodu dibadda uma soo baxo. Hore ayaa ay u dhacday in Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee dalka Masar ay sii deysay haween Qur’aanka akhrinaya si la mid ah sida ay culimo badan oo rag ahi u akhriyaan, laakiin muddo kaddib waa la joojiyey kaddib markii cadaadis ka yimi fatwooyin kala duwan oo arrintaas diidaya, iyaga oo codka dumarka cawro u arkaya awgeed. Inkasta oo dood badani weli ka taagan tahay fatwooyinkaas.

Si kastaba ha ahaato ee marar kala duwan ayaa uu Qur’aan akhriska haweenku bannaanka u soo baxaa.

Maria Ulfa

Dalka Indooniisiya oo ah dawladda ugu muslimka badan adduunka ayaa dugsiyadeeda Qur’aanku ay leeyihiin barnaamijyo Qur’aan akhris oo hablaha da’da yar lagu dhiirrigeliyo in ay wiilasha kula tartamaan akhriska Qur’aanka.

Xaaladdaas ayaa ay ku soo barbaartay Maariya, illaa ay gaadhay in ay ka mid noqoto culimada Qur’aanka akhrida kuwooda ugu saamaynta badan guud ahaan gobalka Koonfurta Bari ee Aasiya. Waa macallimad iyo cilmibaadhe loo aqoonsanyahay in ay ka mid tahay Qur’aan akhriyeyaasha iyo macallimiinta Qur’aanka ee adduunka. Waxa ay bare ka tahay Maxadka Daraasaadka Qur’aanka iyo Jaamacadda Islaamiga ah ee dalka Indooniisiya. Waxa ay ku guulaysatay laba tartan oo Qur’aan akhris ah, sida oo kale waa gabadhii ugu horreysay ee ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Qur’aan akhriska ee dalka Malaysiya, sannadkii 1980 kii.

Waxa ay Qur’aanka u akhridaa qaab la mid ah culimada Qur’aan akhriska ee dalka Masar, iyada oo guud ahaan dalka Indooniisiya qaabkaas la raaco maadaama oo culimadii qur’aan akhriska ee halkaas xifdiga qur’aanka ku faafiyey ay u badnaayeen kuwa dalka Masar, gaar ahaan Sheekhii caanka ahaa Alle ha u naxariisto ee Cabdalbaasid Cabdasamad.

Maariya oo dhalatay sannadkii 1955 kii, waxa ay hore uga mid noqotay guddida kala saarista tartanka caalamgia ah ee Qur’aanka kariimka ah oo lagu qabtay magaalada Barakaysan ee Maka Almukarama.