Guryo Dhulka Hoostiisa Ah Oo $200 Oo Milyan Lagu Iibiyo Iyo Hudheello Habeenkii Lagu Seexdo 42 Kun Ayaa Ay Maalqabeennada Adduunku Kaga Dhuunteen Coronavirus

0
217

Waqtigan boqollaal Milyan oo dadka adduunka ah ayaa guryahooda ku jiraan iyaga oo fulinaya tallaabooyinka dawladahoodu ku xakamaynayaan faafitaanka xanuunka Coronavirus. Laakiin maalqabeennada caanka ah ee adduunka ayaa iyagu karantiinka Coronavirus u galay si ka duwan bulshada caadiga ah ee guryahooda ku negaaday. Waxa ay tageen goobo aad u raaxo badan, oo qaarkood qiimaha kharashka ku baxay iyo nolosha ka dhex jirtaa ay ka weyntahay wax ay maskaxdu dhaqso u rumaysan karto.

Chris Carlo oo agaasime ka ah shirkadda guryaha ee jasiiradaha gaarka loo leeyahay ee degmada Ontaariyo ee dalka Kanada ayaa shabakadda wararka ee CNN u sheegay in caadi ahaan waqtiyadii hore ay maalin kasta la soo xidhiidhi jireen macaamiil wardoon ah oo tiradoodu gaadhayso illaa boqol qof, laakiin intii ka dambaysay bilowga aafada Coronavirus ay tiradaasi noqotay boqol iyo kontan.

Carlo waxa uu sheegay in macaamiishooda ugu caansani ay yihiin maalqabeenno u dhashay dalalka Maraykanka iyo Kanada oo doonaya in ay iibsadaan ama kiraystaan jasiirado u gaar ah oo ka mid ah deegaanka badda Karibiyaanka (Caribbean) iyo badhtamaha qaaradda Ameerika, kuwaas oo qiimaha jasiiraddii kastaa uu gaadhayo 150 Milyan oo doolar. Halka maalqabeennada doonaya in ay kiraystaanna ay bixiyaan lacag dhan 42 kun oo doolar habeenkii keliya.

Dhinaca kalana, Maalqabeen badan oo adduunka magac ku leh ayaa cabsi weyn ka qaba Coronavirus iyo raadadka uu sannadaha soo socda kaga tegi doono nolosha adduunka oo ay ka mid tahay dhibaatooyin dhaqaale iyo dembiyada oo kor u kaca. Sidaas awgeed tan iyo markii uu xanuunkani sida aadka ah dunida ugu faafay, waxaa boqolkiiba afar boqol kor u kacay iibka ay maalqabeenku ku raadinayaan guryaha dhufaysyada adag ee dhulka hoostiisa ah, oo lagu tiriyo in ay yihiin guryo qaaliya. Sida ay ku warrantay idaacadda BBC laanteeda dibadda la hadashaa, guryahan oo qaarkood dhulka hoos u qodan yihiin masaafad ku dhow kiiloomitir waxa ay leeyihiin qolal iyo adegyo buuxinaya dhammaan baahiyaha nolol maalmeed ee qofka, sida raaxada iyo nasashada, isbooritga iyo jimicsiga iyo maarraroowga iyo maadayska, waxa aanu guri kasta qiimihiisu dhan yahay 200 oo milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Waxaa iyaguna jira maalqabeenno badan oo iyaga oo ka warwarqaba in guryahoodu ku filnaan waayaan haddii xubnaha qoyska qaarkood Fayrasku ku dhaco oo ay u baahdaan Karantiin guriga gudihiisa ah, lacago gaadhaya 250 Milyan ku iibsaday hudheello dhammaystiran oo ay guri xaas ahaan u isticmaalayaan. Halka kuwo kalana ay kiraysteen huteello dhammaystiran, oo ay habeen kasta bixinayaan lacag dhan 38 kun oo doolar, sida ay xaqiijisay warbixin ay baahisay shabakadda business Insider.