Hawada Baabuurka Gudihiisu Waxa Ay 10 Jeer Ka Wasakh Badantahay Hawada Shaaraca Baabuurta Badan Ka Jirta

1
643

London (Geeska)- Cilmibaadhis natiijadeedu dad badan naxdin ku noqotay ayaa sheegaysa in baabuurta casriga ahi aanay awood u lahayn in ay nadiifiyaan hawada gudaha gaadhiga ka jirta, oo inta badan ay ka buuxaan qashinka iyo iyo wasakhda qiiqa gaadhiga iyo wasakho kale. Waxa ay cilmibaadhistu sheegtay in qofka gaadhiga gudihiisa ku jiraa uu halkii mar ee uu neefsadaba nuugu ku dhowaad 100 Milyan oo ah khashinno iyo hadhaa sun ah oo ku dhafan hawada gaadhiga gudihiisa.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey wargeyska Daily Mail ayaa sheegaysa in heerka wasakhda ku jirta hawada gaadhiga cusub dhexdiisa ay toban labaab ka badan tahay wasakhda ku jirta hawada ka jirta shaaraca iyo jidadka hareerahooda, waayo hawada gaadhiga gudihiisa waxaa ku labbaan boodh, nooleyaal ili-maqabatay ah iyo wasakho sun ah, taas oo oo caafimaadka qofka uga daran xitaa wasakhda iyo suntan ku jirta qiiqa shidaalka Naafatada ah ee uu caadi ahaa gaadhigu u sii deynayo, ee laga yaabo in qofka shaaraca maraya ay hawada u raacdo. Nick Molden oo agaasime ka ah shirkadda Emissions Analytics oo ka shaqaysa shaybaadhista qiiqa iyo wasakhda gaadiidka lagu isticmaalo Yurub iyo Maraykanka ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in darawallada gaadiidka uu jidhkooda galo xaddi aad u badan oo ah walxahaas suntan ah ee jira hawada gudaha gaadhiga, gaar ahaan marka aanu gaadhi si fiican hawo saafi ah u helin.

Baadhis ay shirkaddani samaysayna waxa ay muujisay in gawaadhida casriga ah, gudahooda hawada ka jirta halkii sentimitir ee afar jibbaaranba, qiyaas ah 20 kun oo walxo suna ah, marka la eego neefta uu qofka weyn halkii mar nuugo oo 500 sentimitir oo afarjibbaaran ahba ay taas macnaheedu noqonayso in uu qofkaas haddii uu gaadhi gudihii ku jiro uu halkaas marba nuugayo 10 Milyan oo walxahaas suntan ah.

Waxa ay cilmibaadhistu sheegtay in khatarta hawada wasakhda ah ee gaadhiga gudihiisu sii korodho marka uu gaadhigu ku jiro jidadka cidhiidhiga ah ee baaburuta badani isku xidhan tahay, xitaa haddii daaqaduhu ay xidhan yihiin, ssababtuna waa hawada ay soo qaadanayso marawaxadda qaboojiyaha gaadhigu oo ka imanaysa hawada dibadda ee ay wasakhaynayaan gaadiidka badan ee goobta taagan ama marayaa.

Qaramada midoobey ayaa hadda ku hawlan in ay samayso halbeeg cilmiya oo lagu cabbiro nooca hawo ee gaadhiga gudihiisa ka jirta iyo heerka nadaafaddeeda. Waxaa la aaminsan yahay in qiiqa iyo uummiga sumaysan ee hawada ku jiraa ay dalka Ingiriiska oo keliya sannad kasta sababaan dhimashada 40 kun oo qof.

 

Comments are closed.