Havoyoco Oo 63 Arday U Soo Xidhay Tababar Xirfadeed

0
609

habaHargaysa( Geeska )- Xaflad balaadhan oo aad loo soo camiray ayaa ay hay’adda Havoyoco u qabtay 63 hablood oo xirfado kala duwan ka bartay Xarunta horumarinta qoyska ee ay hay’adaasu maamusho.

xafladan qalinjabinta ah waxa ku wahelinyay masuuliyiinta Haya’da Havoyoco wasiirka wasaarada ciyaaraha Cali Saciid Raygal, Agaasimaha wasaarada Kaluumaysiga Maxamed Cilmi Aadan iyo  masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarasha.

xarunta horumarinta Qoyska ee Havoyoco oo inta badan taageerta haween ayaa daboolka ka qaaday inay 808 haween ah ku tababareen xirfado kala duwan, kuwaas oo ay sheegeen inay badadankoodii shaqeeyaan wakhtigan.

xafladan loo qabtay ardayda xirfadaha ka qalinjabinaysay waxa ugu horayntii ka hadlay maamulaha marshuuca horumarinta qoyska ee Havoyoco Kawsar Maxamed Xasan, oo ka warantay ardayda qalinjabinaysa iyo guud ahaanba marshuucan horumarinta qoyska ee Havoyoco, waxanay  hadalkeeda ku bilawday sidan “Ujeedooyinkii loo aasaasay xaruntan waxa kamid ah in lagu horumariyo qoysaska danyarta ah, si loo baro xirfado shaqo oo daboolikara nolal maalmeedkooda. Saaka oo ay bishu tahay 19-7-2012 waxaynu halkan shahaadooyin ku gudoonsiindoona arday ka kooban 63 hablood, oo ka qalinjabiyay xarunta horumarinta waxbrashada qoyska ee Havayoco, hablahaas oo misugu jira 45 Computer ah oo waliba ay ku sii dhex jiraan 16 hablood oo soo dhiganaayay mudo laba sano ah, kuwaas oo meelo kala duwan loo shaqo geeyay iyo 29 hablood oo soo dhignaayay mudo halsano ah, sido kale waxa kamid ah 18 hablood oo la baray dawaarka iyo tolamaha dharka, waxaan  dhamaantood leeyahay hanbalyo hanbalyo.” “ 63-daa hablood waa dafcadii 11-aad ee tan iyo intii la aasaasay xaruntan ka qalin jabiya, wakhtigaas la aasaasay ilaa maanta waxa ka qalinjabiyay xaruntan 808 hablood, oo badankoodu ay heleen shaqooyin.”

Agaasimaha fulinta ee Havoyoco Ismaaciil Maxamed Axmed ayaa isaguna dhankiisa u mahadnaqay masuuliyiinta xukuumada ee xaflada kala soo qaybgalay iyo hayadahii maalgaliyay  marshuuca, waxaanu hanbalyeeyay ardaydan dhamaysatay xirfadaha.

Wasiirka wasaarada ciyaaraha Cali Saciid Raygal, oo isagu sadexdii arday ee ugu sareeyay ardaydaas gudoonsiiyay shahaadooyinkoodii, isla markaasna hadalo dardaaran ah u soo jeediyay kooxahan xirfadaha bartay waxa hadaladiisii kamid ahaa “ Runtii aad iyo aad ayaan u soo dhaqaynayaa dafcada halkan ka qalinjabinaysa ee hablaha ah, waxa loo socdaa maantana waxa weeye in ay dhalinyaradeenu wax barato oo ay jahliga ka baxaan qofkuna uu noqdo mid isku kalsoon oo shaqo doonan kara, xirfadahan waxay ka mid yahiin kuwo shaqo si dagdag ah loogu heli karo, dadka xirfadan ka qalinjabiyay waxaan ka rajaynayaa inaad dadkiina iyo dalkiina aad ugu faa’idayndoontaan.”

Ugu danbayntiina waxa uu halkaas ku gudoonsiiyay sawiirka ciyaarahu sadexdii arday eee ugu sareeyay xirfadlayaashan shahaadooyinkoodu, waxa kale oo isla xaflada gabogabadeedii ardaydan baratay xirfadahu ay macalimiintooda ku gudoonsiiyeen hadyado ay ku maamuuseen.