Dawladda Ingiriiska Oo La Sheegay Inay Xafiis Cusub Oo Hoos Tagga Safaaradeeda Soomaaliya Ka Furatay Magaaladda Hargeysa

1
618

Picture10Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa la sheegay inay xafiis cusub oo hoos tagaya safaaradooda Somaliya ee degen Nayrobi ka furatay magaalada Hargeysa, waxaana shalay safar ku yimid magaalada Hargeysa safiirka dawaladda Ingiriiska u qaabilsan dalka Somaliya Mr. Matt Baugh.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay dawladaha Somaliland iyo Ingiriisku arrintan ka soo saareen, haddana warar soo baxay oo uu Geeska Afrika helay ayaa waxay sheegayaan in socdaalka diblomaasigani la xidhiidhay hirgelinta qorshaha cusub ee dawladda Ingiriiska ee ah in xafiis hoos tagga xafiiskiisa Nayrobi ee Somaliya qaabilsan uu Hargeysa ka furo, waxaanu ka hor intii aanu shalay ku noqon Hargeysa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo. Xidhiidhka Somaliland waxa dawladda Ingiriiska hore ugu qaabilsanayd safaaradooda Addis Ababa oo xidhiidh iyo wada shaqayn toos ah la lahayd masuuliyiinta dawladda Somaliland, waxase uu warku hadda sheegayaa in xidhiidhkii labada dal uu hoostagi doono safaaradooda Nayrobi ku sugan ee qaabilsan Somaliya.

Dawladda Somaliland ayaa dhawr goor oo hore ku faantay in dawladda Ingiriisku xafiis rasmi ah ka furan doonto magaalada Hargeysa, kaas oo sii xoojin doona xidhiidhka labada dal. Laakiin haddii xafiiskii Ingiriisku noqdo mid hoostagga xafiiskooda Nayrobi ee qaabilsan dalka Somaliya, waxa ay meeqaamkii  Somaliland ku keeni doontaa hoos u dhac dhinaca diblomaasiyadda ah. Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Mr. Matt Baugh, ayaa wuxuu hore waraaqihiisa aqoonsiga u geeyay magaalada Muqdisho, isagoo gacanta ka geliyay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Comments are closed.