Havayoco oo Kulan Aqooneed Ku Saabsan Nadiifinta Biyaha iyo Fayadhowrka U Qabatay Reer Wajaale

0
636

 

havaTog-Wajaale(Geeska)-Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco ayaa Magaalada Tog-Wajaale ka furtey Kulan Aqooneed, ay kasoo qeyb galeen Guud ahaanba qeybaha kala duwan ee Bulshada Deegaankaasi , kulankaas oo ahaa Barnaamij aad u qiima badan  oo  ku wajahan Nadiifinta Biyaha iyo Faya-dhowrka Guud oo lagu qabtey huteelka Centaral ee Magaalada Tog-Wajaale.

 

Barnaamij Aqooneedkan oo Socon doona mudo shan Maalmood ah islamarkaana ah Barnaamij aad u qwiima badan oo ay Bulshada kunool Magaalada Tog-Wajaale kaga faa,idaysaneyso nidaam farsamo ahaana oo lagu nadiifinayo Biyaha Wasakheysan ee Baliyada ee ay wakhtiga.

Xaadirka ah isticmaalaan dadweynaha kunool Magaalada Tog-Wajaale oo ay Hay,ada Wadaniga  ee Havayoco ugu qabatey halkaasi waxa kasoo qeyb Guud ahaanba ururada Bulshada iyo Laamaha Xukuumada ee Degmada Tog-Wajaale.

 

Furitaankii kulan Aqooneedkan waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo soo dhaweeyay Barnaamijkan Ururada Wadaniga ah ee Havayoco ka hirgalinayso Degmada Tog-Wajaale islamarkaana, ujeedadiisu la xidhiidho nadiifinta Biyaha Wasakheysan oo Degmada Tog-Wajaale muhiimad gaar ah ugu fadhida.

Ibraahim  Xariir Diiriye oo kamid ah Saraakiisha Hay,ada wadaniga ah HAVAYOCO ee kulankan hogaaminayay  oo isagu faafaahin ka bixiyay nuxurka ujeedada kulankan ayaa carabka ku dhufteyin Barnaamijkani yahey mid qiima u leh Bulshada Tog-Wajaale islamarkaana lagu sifeynayo Biyaha waskhda ah ee baliyada ee ay dadku cabaan iyadoo la isticmaalayo waxyaabo muhiim ah oo ka koban qalab daawo, iyo weel kadibana daqiiqado gudahood lagu nadiifinayo Biyihii sidaa daraadeedna looga baahan yahey in ay kasoo qerb galyaashu ka faa,isdeystaan mudada kulan aqooneedkani socdo , waxaanu Ibraahim Xariir xusey in ay Barnaamijkan iska kaashadeen Ha.yda Wadaniga ah Havayoco iyo Ha,ayada Unicef , waxa kale oo uu hoosta ka xariiqey In ay wadaan Barnaamijkan isagoo farsamo dhaqameed ah oo ay Bulshadu hogaaminayso waxaanu ku laqimay in ujeedadiisu guud ahaanba tahey in la hormariyo fahamka dadweynaha ee isticmaalka biyaha iyo sifeynta Biyahaba.

Waxa kale oo isaguna kulankan Aqooneedkan sifeynta Biyaha ah  ka hadley Dr Maxamed Yuusuf Aadan oo k atirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland qeybta fayodhowrka waxaanu xusey drku in xanuunada laga qaado biyihu ay cudurada ugu badan boqolkiiba sideetan waxaanu carabka ku adkeeyay xanuunada shubanku yihiin kuwa ugu horeeya ee ay keenaan Wasakhda Biyihu waxaanu sheegay in ay talaabadani kulanakn loo qabanayo islamarkaana ay Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco sida gaarka ah ugu keentay dadweynaha Reer Tog-Wajaale tahey mid boqolkiiba boqol difaac u ah wasakhda Biyaha dadweynuhuna kaga nabed gelayaan guud
ahaan khataraha cudurada ay sababaan Biyaha wasakhda lihi.