Ardaygii Ugu Sareeyay Kuuliyada Sharciga Ee Jaamacada Hargeysa Oo Dareenkiisa Ka Hadlay

0
952

 

xamse khayreHargeysa(Geeska)- Xamse Khayre Yuusuf, waxa uu noqday ardaygii ugu sareeyay ardaydii ka qallin jebisay kuuliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa, toddobaadkii hore.

 

Xamse waxa uu waxbarashadiisa soo waday muddo afar sanno ah, oo uu hadh iyo habeen u heelanaa, waxaanu ka mid ahaa ardayda lagu tirin jiray dedaal iyo faham dheeraad ah.

Inkasta oo uu Xamse Khayre Yuusuf noqday ardaygii ugu sareeyay ardaydii toddobaadkii hore ka qallin jebisay kuuliyadda sharciga ee Jaamacada Hargeysa, haddana sida Jaamacadaha dunida lagu yaqaan Jaamacadda Hargeysa Xamse Khayre Yuusuf, ma siin wax bilad ah oo lagu dhiiri gelinayo isaga iyo ardayda ka dambaysaba, laakiin sidaas oo ay tahay haddana wuxuu ku qanacsanyahay guusha uu gaadhay, waxaanu u mahadcelinayaa maamulka iyo macalimiinta jaamacadda, gaar ahaan kuuliyadda sharciga  “Aniga oo ah ardaygii ugu sareeyay qaybta sharciga ee ka qalin jabiyay sanadkan, runtii aad baan ugu faraxsanahay in afar sanno kadib aan helo digriigaygii koowaad oo LLB- ah oo aan noqdana ardaygii ugu sareeyay kulyiada sharciga, arintaas oo aan u tirinaayo da’daal ay reerkaygu ila galeen aniguna aan u hagar-baxay.” Ayuu yidhi Mr. Xamse, oo Geeska Afrika uu xog-waraysi la yeeshay, waxaanu intaas raaciyay oo uu ka  hadlay khalad dhacay wakhtigii uu Madaxweynuhu ardayda shahaadooyinka guddoonsiinayay oo uu qorshuhu ahaa inuu Madaxweynuhu shahaadada guddoonsiiyo Mr. Xamse maadaama oo uu kaalinta 1aad galay, balse khalad dhacay dartii magacii darajo ahaan ku soo xigay lagu khalday, waxaanu yidhi  “Waxaan runtii aad uga xumaaday kadib markii uu khalad weyni dhacay maalintii xaflada qalinjabinta oo halkii layga xaadirin lahaa madaxweynuuna uu iga gudoon siin lahaa shahaadada uu gudoonsiiyay qofkii igu xigay, kadib markii khalad ka dhacay dhanka diiwangalinta, baadhitaan kuliyada sharciga gaar ahaan hormuudka kuliyadaas Maxamuud Xuseen Faarax iyo anigunba aan samayn kadib, waxanu ogaanay in qaladku uu ka dhacay dhanka diiwangalinta, runtii wiilkii diiwangalinaayay magacyada ee qaladkan uu ka dhacay uu qirtay, waanan ku qanacnay inuu qalad ka dhacay ahaa ee aanu ahayn wax uu u qastiyay. Waxaan wakhtigan ku faraxsanahay in aan shaqo ka helay isla Jaamacada Hargaysa, oo markii ugu horaysayba lay sheegay in qaladkan dhacay aanu wax samayn ah ku yeelan doonin kaalintaan galay.”

Hormuudka kuliyada sharciga ee jaamacada Hargaysa Maxamuud Xuseen Faarax, ayaa si rasmiya uga raaligaliyay Xamse Khayre Yuusuf qaladkaas dhacay, waxaanu Mr. Faarax sheegay inuu Xamse ka mid yahay ardaydii ugu wanaagsanayd ee uu la kulmo mudadii uu ahaa madaxa kuuliyadda sharciga, “Waan bogaadinayaa Xamse iyo qoyskiisaba, waxaanan qirayaa inuu yahay arday dedaalay oo uu dedaalkiisiina keenay inuu kaalinta koowaad u galo kuuliyadan.” Ayuu yidhi Maxamuud Xuseen Faarax, oo isna u waramay Geeska Afrika.