Hargeysa: Kulan Muhiim Ah Oo Dhex Maray Dhallinyarada Beelaha Subeer Awal iyo Garxajis

0
627

Picture1Hargeysa(Geeska)-Kulan Ballaadhan oo aan noociisa hore loo arag ayaa dhex maray habeen hore dhallinyarada Beelaha subeer Awal ee Jiidali iyo dhallinyarada Beelaha Garxajis ee Daallo.

Kulankaas oo ka dhacay Huteelka KAAH ee magaalada Hargeysa aayaa ahaa mid aan saxaafada loo ogolayn, balse ay dhallinyarada kulanka yeelatay ee Daallo iyo Jiidali ee kasoo kala jeeda Beelaha Habar Awal iyo Beelaha Garxajis oo labadooduba ka mid ah Beel Weynta Habar-Magaado, ayaa la sheegay inay kaga arrinsanayeen arrimo badan oo danahooda khuseeya.

Dhallinyarada kulankan iskugu timid oo tiro ahaan ka koobnaa ilaa konton qof, oo labada dhinac ah oo dhinacba ay ka socdeen shan iyo labaatan xubnood ayaa badankoodu ahaa guddiyada labada dhinac ee Jiidali iyo Daallo.

Kulankan ayaa xogaha laga helay sheegayaan  in dhallinyaradaasi ay ka arrinsanayeen sidii ay iskugu soo dhawaan lahaayeen labadooda dhinac.

Waxa kale oo wararku intaa ku darreen in dhallinyarada labada dhinac ay ku ballameen in ay joogteeyaan kulamada noocan oo kale ah, si ay u gaadhaan ujeedooyinka ay iskugu yimaadeen, isla markaana waxa ay wararku intaa ku darayaan in dhallinyaradaasi ku ballantay hoostana ka xariiqeen haddii awoodooda ay isku geeyaan isla mar ahaantaana ay mideeyaan maskaxdooda iyo muruqooda in ay ka midho dhallin karaan rabitaankooda iyo ujeedooyinka laga wada hadlay ee layskugu yimid.

Kulankan ayaa ahaa kulan jawigiisu si heer sare ah u qabsoomay, dhallinyaradaasina ku ballameen joogtaynta kulamada iyo kawada socodka arrimaha khuseeya, si ay mar kasta uga wada socdaan, waxna iskaga weydiiyaan kolba heerka xaalada dalka iyo dadku marayaan. Kullamada noocan oo kale ah ee ay isku abaabulayaan dhalliyarooyinka kasoo kala jeeda beelaha Somaliland degan ayaa baryahan dambe soo xoogaysanaya.a