Sanaadiiqdii Xogta Diyaarada Malaysia Oo La Wareejiyay

41
644

Picture2Xoogagga gooni u goosadka ee ka dagaallama bariga Ukraine ayaa ku wareejiyay labo sanaadiiqda madow ah khubaro ka socota Malaysia, sanaadiiqdaasi oo ay lahayd diyaaradii Malaysia laga lahaa ee Khamiistii ku dhacday Bariga Ukraine.

Xoogagga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xabbad joojin goobta ay diyaaradda ku dhacday.

Mar sii horreysayna, xoogagga ayaa sii daayay tareen sida meydadka inta badan 298-kii qof ee diyaaradda saarnaa.

Dhanka kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si buuxda isugu raacay qaraar ku baaqaya, in baadhayaasha caalamiga ah ay si aan faragalin iyo xanibaad lahayn uga howlgalaan, goobtii ay ku burburtay diyaaradii Malaysia Airlines, ee lagu soo riday Bariga Ukraine.

Qaraarka oo ay soo diyaarisay dawladda Australia ayaa ugu baaqay xoogagga hubaysan in ay joojiyaan ficilada wax ka bedeli kara goobta ay diyaaradda ku bur burtay.

Safiirka Ukraine u fadhiya Qaramada Midoobay, Yuriy Sergeyev, ayaa soo dhaweeyay qaraarka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay Ruushka in uu ku qalqaaliyo kooxaha gooni u goosadka ah, in ay la shaqeeyaan baaritaannada laga wado goobta ay diyaaradda ku bur burtay.

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto baadhitaanka.

Dhanka kale, safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Samantha Power, ayaa tilmaamtay in qaararka laga kaaftoomi lahaa, haddii uu Ruushka ku dhaleeceeyn lahaa kooxaha gooni u goosadka ah, diidmadii ay u diideen kooxaha baaritaanka in ay goobta bur burka gaaraan.

 

Comments are closed.