Habka Ugu Fiican Ee Dhegta Loo Nadiifin Karo Iyo Khatarta Qoryaha Lagu Dhukaydaa Ay Keeni Karaan

0
854

Picture9Berlin (Geeska)- Dalladda dhakhaatiirta sanka, dhegaha iyo dhuunta ee dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda caafimaad ee ay leedahay in qofku uu si taxaddar badan leh u nadiifiyo dhegta, isaga oo keliya caawinaya keliya hawsha is-nadiifinta ah ee uu sanku iskii u qabsado. Waxa aanay dalladdu ka digtay in nadiifinta dhegaha loo adeegsado qoryaha afka cudbiga ku leh ee loogu talo galay oo ay sheegeen in ay keeni karaan dhibaato caafimaad darro oo soo gaadha dhegta. Dalladdan oo xarunteedu ay tahay magaalada Neumunster ee dalka Jarmalka ayaa warbixin ay arrintaas ka soo saartay ku sheegtay in timaha yaryar ee dhegta gudaheeda ku yaalla shaqadoodu tahay in wax kasta oo aan dhegta ka mid ahayn oo dibadda ka soo gala ay dibadda u soo celiyaan, isla markaana sameeyaan dhukayga oo shaqadeedu tahay qashin qub iyo in ay jidhka ka soo saaraan xashiishka, ciidda iyo unugyada dhinta ee maqaarka dhegta gudaheeda.

Haddaba si aynu dhegta si caafimaad qabta oo aan dhibaato gaadhsiin ugu nadiifinno waxaa fiican in ay loo ogolaado in ay biyuhu galaan illaa bilowga daloolka durbaanka maqalka, sidoo kale waxaa la samayn karaa in marka la maydhanayo xaddi aad u yar oo biyo ah loo ogolaado in ay galaan dhegta, iyada oo laga taxaddarayo in uu raaco shaambo ama saabbuun, marka dambana si fiican loo qallajinayo.

Qoryaha lagu dhukaydo:

Dalladda dhakhaatiirta dhegaha, cunaha iyo sanka ee dalka Jarmalku waxa ay ka ka digeen isticmaalka qoryaha afka cudbiga ku leh ee lagu dhukaydo, waayo waxaa la ogaaday in qoryahaasi ay marar badan dhaawacyo qarsoon soo gaadhsiiyaan maqaarka dhegta gudaheeda, taas oo aakhirka keeni karta caabuq xuumaada oo wax yeelleeya durbaanka maqalka.

– Qoriga lagu dhukaydaa waxa uu sababaa in dhukaygu uu hore u sii galo daloolka dhegta oo uu gaadho kanaalka maqalka ama xataa durbaanka, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta in dhukaygaasi ku qallalo oo uu halkaas ku dhego durbaanka, waxaana imanaya culays joogto ah oo dhegtu dareento ama in walaxdaas samaysantay ay dhegto dhex dhaq-dhaqaaqdo oo ay keento dhaqdhaqaaq qofka dhiba. Haddii uu qofku xaaladdan oo kale dareemana waxaa lagula talinayaa in aanu isku dayin in uu isagu iska soo saaro dhukaygaas gudaha hore ku dhegey, balse waa in uu daqso ugu tago dhakhtar takhasus ah oo soo nadiifiya dhegta gudaheeda.