Hargeysa: Guddoomiyaha Kooxda Jabuuti City Oo Shalay Beeniyay In Laba Wiil Laga Xidhay

2
639

Picture3Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha kooxda Kubadda Koleyga ee Jabuuti City Muuse Cali Caamir, ayaa beeniyey in laba ka mid ah ciyaartoyga kooxdiisa lagu xidhay Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha kooxda kubadda Koleyga ah ee Jabuuti City, waxa uu sheegay in isaga iyo kooxdiisa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa isla-markaana ciyaaro la yeesheen kooxaha kubadda koleyga ee ka dhisan Magaalada Hargeysa, sidaa daraadeed aanay jirin cid kooxda ka mid ah oo la xidhay, isaga oo sheegay in labada wiil ee la wariyey in la xidhay ay suuqa ku dhex mareen dhar gaagaaban, isla-markaana boolisku si caadi ah ugu sheegay inay huteelkooda ku noqdaan si aanay dhalinyarada kale u mushkiladaynin, balse aan la xidhin.

Guddoomiyaha oo ka hadlaya soo dhaweynta ay Hargeysa kala kulmeen yidhi “Soo Dhaweyn fiican ayaanu halkan (Hargeysa) ka dareenay, wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka ciyaaraha oo soo dhaweynta noo sii qabanqaabiyey iyo waxyaabo kale oo soo dhaweyn iyo wallaalnimo ah”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Waxaan u mahad celinayaa wasiirka ciyaaraha, agaasimaha guud iyo xidhiidhka kubadda koleyga sida ay noo soo dhaweeyeen ee ay u fuliyeen balanqaadkoodii” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan doonayaa inaan ka jawaabo arin malo awaal ah oo baryahan dhex socotay saxaafadda, kaasi oo ka dhashay sawir laba wiil oo xidhnaa dhar gaagaaban oo dharka ciyaaraha ah, kuwaasi oo marayey suuqa, nin askari ah ayaa u digay oo ku yidhi dhalinyarada kale ayaa (idin shiidi) ee huteelkiinii ku noqdo”

Guddoomiyaha kooxda Jabuuti City waxa kale oo uu sheegay “Waxaan leeyahay labada wiil lama xidhin” ayuu yidhi.

Comments are closed.