Suldaan Galaal Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Suldaan Xiirey

1
871

Picture4Hargeysa: (Geeska)-Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha  Maxamed Daa’uud,  ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, oo la xidhiidha khilaaf ka taagan deegaanka Baliga.

Suldaanka oo Maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Beel ahaan deggan yihiin oo ku sugan yihiin Balligoodii ay muddada badan degenaayeen, islamarkaana aanay wadin wax deegaankaas ku cusub.

Suldaanka oo arrintaas ka hadlaya, ayaa yidhi, “Shaqaaqadaas uu suldaan yuusuf sheegay waxba ka ma jiraan.Ceebkalena ma jirtee dadkani balligoodii bay degeen oo ku ducaysteen, shaqaaqona ma dhicin oo dadkani waa dad walaalo ah, mana arag cid reerkaas suldaanku ka soo jeeda ah(isaxaaq) oo  noo timi oo tidhi waxaas ayaanu ka cabanaynaa”. 
Isagoo suldaanku hadalkiisa sii wata  waxa uu yidhi,"Ballibaa jira u dhaw balligan Maxamed Daa’uudku qoday 55-kii, balli-golis baana la yidhaahdaa, 1995-kii baana qolada reer Golis qodeen, iyadoo wakhtigaana aan anigu ka diiday codsi Beeshayada iiga yimi oo ay leeyihiin aynu ka Aasno Balligeennii bay u soo dhawaadeene. Markaa waxan uu suldaan yuusuf saadinayo ee uu leeyahay shaqaaqaa dhacday anigu ma ogi.”

Waxa kale oo uu suldaanku sheegay tallaabooyin uu saluugay oo uu wasiir-ku-xigeenka Amnigu intuu u yeedhay ugu yeedhiyey Go’aan uu sheegay inuu  cid kale ku socday, waxana uu sidoo kale saluug ka muujiyey qaabkii uu wasiir-ku-xigeenku u soo abaabulay kulankii uu  salaadiinta kula kulmay, waxana uu yidhi, “Maalin dhaweyd ayaa la igu yidhi wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagaa doonayaa oo wasiir-ku-xigeenkaa ku doonaya, waana maalintii ugu horraysay ee aan waligay tegay, waxana la I dhex geeyey toddobaatan nin oo wada gadh-cas  ah oo uu suldaan xiiray hogaaminayo, waxana  halkaas laga akhriyey, Go’aan la yidhi Guddi baa soo saartay ee waa inaad labadaa Balli  gacmihiina ku dumisaan oo Amarkaa fulisaan, warqaddaasina anaga naguma socotee wasiirka arrimaha gudaha ayey ku socotaa, laba Ballina meesha ma jiraan oo waa Balligayaga oo kaliya.”

Waxa kale oo uu suldaanku  dhaliilay Amarka ay xukuumaddu u akhriday ee ay ku amartay salaadiinta in la dumiyo Ballida Goobtaas lagu sheegay, waxana uu yidhi,“Dawlad baa wax dumisa intay  go’aan soo saarto oo maxkamdaheeda iyo xeerarkeeda marto,Suldaan guryo dhisan ma dumiyo oo wuu dhisaa, mana aha dhaqanka iyo karaamada soomaalida, halkanina maaha Balloodho la iska rarayee waa balligayagii.”

 Suldaanka oo mar kale tilmaamaya inaanu Balligani ka duwanayn Balliyada kale Beelaha reer Somaliland leeyihiin ee qodani, waxa uu yidhi, “Wasiirka Amniga waxan leeyahay Balligaanu Toddobaatan sanadood baanu degenayne Haddii dawladu hayso sharci Balligayaga lagu duminayo oo ka duwan kunkan Balli ee Qodan dee Ha Keento.”

 

Comments are closed.