Faysal Cali Waraabe Oo Eedeeyay Maamulka Puntland

0
656

Picture2Hargeysa(Geeska)-Gudooomiyaha xisbiga mucaaradka ah eeUCID Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland inuu oogayo dagaalo qabiil ku salaysan isaga oo doonaya inuu qaab qabiilwax ku mideeyo.

Gudoomiye Faysal Cali waxa uu uga digay  Puntland inay ka soo talawdo xuduuda Somaliland,isaga oo hogaamiyaha maamulkaas ku tilmaamay mid maamulkiisu uu qiiro qiiro ku jiro. Waxa uu sidan ku sheegay gudoomiyaha xisbiga UCID mar uu shalay u warmaayay warbaahinta. Waxa uu sida oo kale talooyin  u soo jeediyay xukuumada haatan.

Gudoomiye Faysal Cali waraabe oo warbaahintu ay waydiisay sida uu u arko in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu yimaado magaalada Taleex ee dhulka Somaliland waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa inay gardaro cad sameeyeen maamulkaas  Majeeteeniya(Puntland),waxaynu ognahay in maamulkaas uu hogaamiyo Faroole uu yahay mid hada siqiiray oo  qiiro qiiro ku jiro uuna ku soo ururay magaalada Garoowe,waxaanu ciyaarayaa kaadhka qabiilnimo,waxaanu leeyhaay waxaan ahay ninkii isku keenayay beesha Daarood oo dhan oo meeshii nin Daarood ahi uu joogaba calankaan ka taagayaa Kismaayo ilaa Taleex.waxaan u arkaa inuu dhibaato uun u hor seedayo Soomaali iyo dagaalo sokeeye oo dhul  uun laysku dilo,iyada oo 22 sanadood Soomaali ay dhib ku jirtay hadana haduu maanta durbaan qabiil garaaco waa nasiib daro,waxaan ku leeyahay waar aduunku sidaas uun kuma socdo,waxaanu leenahay waa gardaro cad dagaalan shacbiga ayaa ku dhamaada.”

Gudoomiye Faysal Cali oo talooyin u soo jeedinaaya xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi “Xageenana waxaan leeyahay  waa baylah inaga muuqata,waana tii aan ka hadlaayay hadaan wada tashiga lagu soo noqon oo awood qaybsigii beelaha aan dib loogu soo laaban waa dhib,waanad aragtaa in maanta nin u jawaabi karaaya oo beeshaas ah oo xilweyn hayaa ma jiro,kii hadlaba waxa la odhanayaa beesha dhaxaad tahye maxaad ku hadlaysaa,markaas gurigeena hadaynu hagaajisan kari wayno waa baylah oo cid waliba  waa ay iska soo galikartaa.”