Hargeysa: Gaadhi Saxaro Iyo Qashin Ku Daadiyey Oo La Xidhay

0
536

Hargeysa (Geeska) – Madaxa Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Axmed oo gacan ka helaya ciidamada booliska, ayaa gacanta ku dhigay gaadhi Saxaro iyo wasakh kale ka qaaday huteel ku yaala xaafadda shacabka ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii uu gaadhigaasi washakhdaasi ku daadiyey inta u dhaxaysa xaafaddaha shacabka ilaa 150-ka.

Madaxa Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay inay qabteen  gaadhigaas iyo Afar nin oo mid ka mid ahi uu wade ka ahaa iyo mulkiilihii meherada qashinkaasi laga qaaday, kuwaasi oo mar labaad doonayey inay huteelka ka qaadaan qashin iyo washakh tii hore la mid ah.

Sarkaalka ayaa sheegay in gaadhigan oo  ahaa DHAYNE wakhtiga la qabtay uu  Saxaro iyo qashin kale oo qoyan ka gurayey Hudheel laga cunteeyo oo ku yaala  Magaalada Hargeysa.

Saxarada iyo qashinka gaadhigani jidka laamayda ah ku qubay oo urtii ka soo baxaysa ay ku faaftay inta badan xaafaddaha Magaalada Hargeysa, ayaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, si wadaha iyo mulkiilaha huteelkaasi wax looga waydiiyo sababta ay wasakhda ugu qubeen jidka dadwaynaha.

Madaxa caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Faarax Axmed oo ka hadlaya xadhiga iyo qabashada gaadhigaasi “Gaadhigaasi wuxuu ahaa gaadhi Dhayne ah, waxaanu ku qabanay saddex nin oo midkood wade ka ahaa” ayuu yidhi Maxamed Faarax Axmed, waxaanu intaa ku daray “Waxay wasakh saxaro iyo qashin kale isugu jirta ka rareen huteel, waxayna ku daadiyeen inta u dhaxaysa Xarunta CID-da ilaa xaafadda 150-ka” ayuu yidhi.

Gaadiidka Magaalada Hargeysa ka gura qashinka iyo wasakhda bulaacadu ka mid tahay ayaa qaarkood aanay gaadhsiin halkii loogu tallo-galay, balse waxay si tartiib ah ugu daadiyaan meelo Magaalada dhexdeeda ah, iyagga oo lexejeclaynaya shidaalka.